tirsdag, februar 17, 2026

Sababtan ayuu mobilkaaga gacanta u dhawaaqi doonaa maanta!

Maanta oo arbaca ah, 14-ka bisha January 2026, marka ay saacadu tahay 12:00 dhamaan mobilada gacanta ee leh adeega internetka, waxaa kusoo dhici doono fariin digniin ah oo tijaabo ah, oo lagu hubinayo Nødvarsel, nidaamka digniinta degdegga ah ee lagu wargeliyo dadka marka ay dhacaan xaalado halis ah

Taleefannada ay fariinta kusoo dhacdo ayaa waxa ay sameyn doonaan gariir iyo dhawaaq xoogan mudo ilbiriqsiyo ah, iyada oo isla markaana fariin qoraal ah ay kusoo dhici doonto mobilka, fariintaas oo ku qoran af-Norwiiji iyo af-Ingiriis. Waxaana dadka la xusuusinayaa in fariintaas ay tahay tijaabo oo kali ah oo aysan jirin wax xaalad deg deg ah oo jirta ama walaac taagan.

Tijaabadan waxaa loo sameynayaa si loo hubiyo in nidaamka digniinta uu si sax ah u shaqeynayo haddii ay dhacdo baahi degdeg ah, sida cimilada daran, shilal waaweyn ama xaalado kale oo khatar ah. Isla waqtigaas, Sivilforsvaret (Ciidanka Difaaca Rayidka) ayaa sidoo kale tijaabin doona sameecaddaha waaweyn iyo qalabka digniinta ee ku yaalla meelo kala duwan oo dalka ah.

Booliiska ayaa si gaar ah waxa ay lu boorinayaan darawallada inay si gaar ah u feejignaadaan haddii digniintu timaaddo iyaga oo baabuur wada. Inkasta oo ay tahay tijaabo kaliya, haddana codka xooggan iyo gariirka taleefanka ayaa noqon kara wax mashquuliya.

Tijaabadani waxay siinaysaa booliiska iyo hay’adaha gurmadka macluumaad muhiim ah oo ku saabsan sida ugu dhaqsaha badan uguna hufan ee digniinta u gaarto dadka, taasoo gacan ka geysaneysa in nidaamku si fiican u shaqeeyo marka ay timaaddo xaalad dhab ah oo degdeg ah.

Ujeeddada tijaabadu waa in dadweynaha loo diyaariyo sida ugu wanaagsan haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah oo dhab ah mustaqbalka.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x