Ra’iisul Wasaaraha dalkan Norway Jonas Gahr Støre ayaa khudbaddiisa sannadka cusub si cad uga digay in xaaladda amni ee Yurub ay aad u xumaatay, isla markaana ay lama huraan tahay in Norway ay u diyaargarowdo xaalado dagaal iyo qalalaase amni, inkasta oo uusan jirin saadaal muujinaysa dagaal degdeg ah oo kusoo wajahan Norway.
Sida uu khudbadiisa ku bayaamiyay, Støre ayaa sheegay in dagaalka Ukraine, xiisadaha caalamiga ah iyo khataraha cusub ee amniga ay burburiyeen fahamkii hore ee ahaa in nabaddu ay tahay wax joogto ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Norway aysan isu arki karin dal ka nabadgali kara saameynta colaadaha ka socda Yurub iyo dunida inteeda kale.
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu xusay in khataraha maanta jira aysan ku koobnayn oo keliya dagaal militari, balse ay ka mid noqon karaan weerarro lagu beegsado kaabeyaasha muhiimka ah ee dalka, sida korontada, isgaarsiinta, nidaamyada dhijitaalka ah ee la isku xiriira, sahayda cuntada iyo adeegyada aasaasiga ah. Wuxuu sheegay in noocyadan weerarrada ah ay si weyn u saameyn karaan nolol-maalmeedka bulshada kunool Norway.
Støre ayaa sidoo kale ka hadlay mas’uuliyadda saaran hay’adaha dowladda ee la xiriira xaqiijinta amniga, balse sidoo kale wuxuu raaciyay in shacabka qof ahaan iyo qoys ahaanba ay saarantahay masuuliyad kale oo la xiriirta xaqiijinta, hadii ay soo baxdo xaalad diyaargarow ah. Wuxuu ku boorriyay muwaadiniinta inay yeeshaan faham ku saabsan sida loo wajaho xaalado degdeg ah, sida go’itaanka korontada ama carqalad ku timaadda adeegyada muhiimka ah.
Dowladda Norway, sida uu sheegay ra’iisul wasaaruhu, waxay sii wadi doontaa xoojinta difaaca dalka, kordhinta awoodda militariga, iyo adkeynta iskaashiga ay la leedahay NATO, si loo hubiyo in dalka uu diyaar u yahay khatar kasta oo iman karta. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in iskaashiga caalamiga ah uu yahay tiir muhiim ah oo lagu ilaalinayo amniga Norway.
Isagoo ka hadlayay dhinaca bulshada, Støre wuxuu sheegay in diyaargarowgu uusan la macno ahayn cabsi ama argagax, balse uu yahay mas’uuliyad iyo caqli ku dhisan xaqiiqooyinka maanta jira. Wuxuu ugu baaqay shacabka midnimo, kalsooni iyo inay ku tiirsanaadaan hay’adaha dowladdu marka ay wajahaan xaalado adag.
Khudbadda sannadka cusub ee ra’iisul wasaaraha ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada amni ee Yurub, waxaana hadalladiisu ay muujinayaan isbeddel cad oo ku yimid sida hoggaanka Norway u qiimeynayo xaaladda caalamiga ah iyo mustaqbalka amniga dalka.
Isha / Xigasho: VG