Ra’iisul Wasaaraha dalka Denmark Mette Frederiksen ayaa ugu baaqday Madaxweyna Maraykanka inuu joojiyo hadallada iyo calaamadaha hanjabaadda ah ee ku saabsan gobolka Greenland ee laga xukumo Danmark, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay wax u dhimayso xiriirka xulafonimo ee labada dal.
Sida ay warisay VG, Frederiksen ayaa sheegtay in Greenland ay tahay dhul is-maamul ah oo hoos yimaada boqortooyada Denmark, isla markaana mustaqbalkeeda aan lagu go’aamin karin cadaadis ama hadallo ka imanaya dal kale.
Hadalkan ayaa yimid kaddib dood dib u soo cusboonaatay oo ku saabsan Greenland, taas oo salka ku haysa hadallo hore iyo mowqif uu qaatay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo ku saabsan in Mareykanku uu la wareegi doono gobolka Trump.
Trump ayaa horay u muujiyay dan istiraatiiji ah oo Maraykanku ka leeyahay Greenland, isagoo xusay muhiimadda dhulkaasi u leeyahay ammaanka, difaaca iyo danaha istiraatiijiga ah ee Maraykanka, gaar ahaan gobolka Arctic-ga.
Dhinaca kalena, taageerayaasha Trump iyo dad u dhow ayaa sheegay in Greenland ay muhiim u tahay amniga Maraykanka, maadaama ay ku taallo meel istiraatiiji ah oo muhiim u ah la socodka dhaqdhaqaaqa militari ee Arctic-ga iyo Waqooyiga Atlantic. Waxay sidoo kale xuseen in Maraykanku horey ugu leeyahay joogitaan militari oo ku yaalla Greenland, gaar ahaan saldhigga Thule.
Si kastaba ha ahaatee, Denmark ayaa si cad u diiday aragti kasta oo ku saleysan faragelin ama hanjabaad, iyadoo Frederiksen ay sheegtay in wada-shaqeynta amni ay suurtagal tahay oo keliya marka ay ku dhisan tahay ixtiraam iyo is-afgarad. Waxay ku adkaysatay in Denmark iyo Greenland ay doonayaan xiriir wanaagsan oo ay la yeeshaan Maraykanka, balse aysan aqbali doonin wax kasta oo wax u dhimaya madaxbannaanida iyo is-maamulka Greenland.
Xiisaddan ayaa mar kale muujinaysa kala duwanaanshaha aragtida ee u dhexeeya Denmark iyo Maraykanka marka ay timaaddo doorka iyo mustaqbalka Greenland, gaar ahaan xilli ay sii kordhayaan tartanka iyo danaha istiraatiijiga ah ee quwadaha waaweyn ee ku aaddan Arctic-ga.
Cabsida laga qabo mareykanka inuu talaabo milatari oo xoog ah kula wareego Greenland ayaa timid, kadib markii sabtidii uu Mareykanku si aan la fileyn usoo afduubtay madaxweynihii Venezuela Nicolas Moduro oo hada ku xiran xabsi ku yaal New York.
Dalalka Faransiiska, UK iyo Midowga Yurub ayaa garab istaag arrintan ku aadan u muujiyay Danmark.