Ra’iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa khudbaddeedii sannadka cusub ku dhawaaqday in dowladda dalkaas ay isbadal xoogan ku sameyn doonto xeerarka soo galootiga, ayna soo bandhigi doonaan qodob ku saabsan in dalkaas laga tarxiilo dadka ajaaniibta ah ee geysta danbiyada.
Frederiksen ayaa sheegtay in arrintan ay sababi doonto in ajaaniib dembiilayaal ah oo intii hore ka badan laga masaafurin doono Denmark, iyadoo carrabka ku adkaysay in ammaanka bulshada uu yahay mudnaanta koowaad ee dowladda.
Qorshaha ay dowlada danmaro soo jeedisay ayaa sheegayo in qof kasta oo ajnabi ah oo gala dembi culus isla markaana lagu xukumo ugu yaraan hal sano oo xabsi ah la masaafurin doono, iyadoon wax tixgelin ah la siin doonin muddada uu dalka joogay, qoys uu ku leeyahay ama heerka uu ula qabsaday bulshada Denmark.
– “Haddii qof lagu xukumo kufsi, rabshad abuur bulsho ama dembi kale oo halis ah, markaas waa dhammaatay joogitaanka qofkaas Denmark,” ayay tiri ra’iisul wasaaruhu, iyadoo xustay in tani ay noqon doonto mabda’a aasaasiga ah ee siyaasadda cusub ee dowlada Danmark.
Sida ay qortay wakaaladda wararka Ritzau, soo jeedintan cusub ee ka timid dowlada Danmark ayaa kasoo horjeedo fasiraadda sharciyeed a Heshiiska xeerka Xuquuqda Aadanaha Yurub, gaar ahaan qodobada la xiriira ilaalinta nolosha qoyska iyo qiimeynta mabdaiyan ah u dhexeeya dembiga iyo cawaaqibta sharciyeed.
Arrintan ayaa la filayaa inay dhaliso dood sharci iyo mid siyaasadeed oo ballaaran, maadaama ay ka dhigan tahay isbeddel weyn oo ku yimaadda sida Denmark u wajahayso xuquuqda ajaanibta iyo waajibaadka caalamiga ah ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Frederiksen ayaa sheegtay in dowladda ay diyaar u tahay inay wajahdo dooddaas, iyadoo ku adkeysanaysa in kalsoonida nidaamka cadaaladda iyo badbaadada shacabka ay ka muhiimsan yihiin tixgelin kasta oo kale.