Nin da’diisu ku dhowdahay 50 sano kana soo jeeda deegaanka Nord-Østerdal ee gobolka Innlandet ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta jebin culus oo sharciga daryeelka xoolaha (dyrevelferdsloven) ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu dayacay daryeelka iyo quudinta 350 neef oo lo’ ah.
Sida uu qoray wargeyska Østlendingen, ninkan ayaa intii u dhaxaysay bisha May ilaa August 2024 helay amarro isdaba joog ah oo ka yimid hey adda faypo-dhowrka ee Mattilsynet, kuwaas oo ku saabsanaa kormeer, daryeel, iyo xaaladda nololeed ee xoolaha. Sida lagu xusay kiiska dacwadda, ninku ma uusan fulin amaradaas, inkasta oo marar badan lagu wargeliyay inuu qaab aan wanaagsan ula dhaqmayo xoolaha uu masuulka ka yahay.
Xeer ilaalinta booliska ee kiiskan gudbiyay ayaa sheegay in dacwadda la xiriirto xadgudub socday muddo dheer, isla markaana loo arko mid aad u culus.
– “Waxaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan jebin culus oo sharciga daryeelka xoolaha ah. Tani waa arrin aad u halis ah oo socotay muddo dheer,” ayuu yiri qareenka dacwad-oogista, Einar Gauslaa Bergem, oo la hadlay Østlendingen.
Qareenka dacwad-oogista ayaa sheegay inuusan faahfaahin ka bixin karin sida ninku uga jawaabay eedeymaha marka booliisku wareystay.
Sida uu dhigayo qodobka 37 ee sharciga daryeelka xoolaha, jebinta culus ee noocan ah waxaa lagu muteysan karaa xabsi gaaraya ilaa saddex sano. Haddii dambigu noqdo mid ka fudud, balse lagu fuliyay si ula kac ah ama dayacaad culus ah, ciqaabtu waxay noqon kartaa ganaax ama xabsi ilaa hal sano.
Kiiskan ayaa markale iftiiminaya mas’uuliyadda culus ee saaran milkiilayaasha xoolaha, iyo doorka ay hay’adaha dowladda ka qaataan ilaalinta daryeelka iyo badqabka xoolaha.