tirsdag, februar 17, 2026

Dowlada oo soo jeedisay in qoxootiga laga joojiyo dhaqaalaha ceyrta.

Dowladda Norway ayaa soo jeedisay in isbeddel ballaaran lagu sameeyo siyaasadda isdhexgalka (integrering), isbadalkaas oo meesha ka saaraya xuquuqda qaxootiga ee helitaan kaalmooyinka dhaqaale(ceyrta) iyo kaalmada kirada guryaha (bostøtte) shanta(5) sano ee ugu horeyso ee qofka qoxootiga ah uu dalka joogo . Halkii laga siin lahaa taageeradda ceyrta, dowladda ayaa soo jeedisay nooc taageero cusub ah oo qofka ku dhiirigalineyso inuu shaqo helo.

Sida ay sheegtay wasiirka shaqada iyo isdhexgalka, Kjersti Stenseng, ujeeddada isbeddelkan ayaa ah in qofka qoxootiga ee dalka ku cusub uu xili hore soo galo suuqa shaqada, uuna xoogiisa cuno, intii uu ku noolaan lahaa, lana qabsan lahaa taageerooyinka dhaqaale ee dowlada.

— “Haddii aan rabno in aan ku guuleysanno isdhexgalka mustaqbalka iyo ilaalinta nidaamka daryeelka bulshada, waa in dad badan oo qaxooti ah ay suuqa shaqada soo galaan. Maanta, qaar ka mid ah qaxootiga waxa ay dowlada ka helaan dakhli taageero dhaqaale ah oo ka badan mushaarka caadiga ee shaqada. Taasi ma sii socon karto,” ayay tiri Stenseng.

Taageero cusub oo beddelaysa saddex nidaam

Dowladda ayaa hadda baarlamaanka u dirtay hindise sharciyeed la gelinayo dhageysi (høring), taas oo lagu badalayo nooca dhaqaale ee la siiyo qofka qoxootiga ah ee dalka ku cusub.

Taageeradan cusub waxay noqon doontaa mid shaqsiyan loo xisaabiyo, iyadoo lagu saleynayo xaaladda qoyska, tirada carruurta, da’da iyo degmada uu qofku degan yahay. Waxaa sidoo kale jiri doona waajib ku saabsan ka-qaybgalka hawlo (aktivitetsplikt) si qofku u helo taageerada.

Sida ay dowladda sheegtay, ku dhowaad kala bar ka mid ah dadka ku jiray barnaamijka soo dhaweynta ah( introduksjon) sanadkii 2024 ayaa helay taageerooyin kale oo dheeraad ah, taas oo mararka qaar ka dhigaysay in shaqadu aysan dhaqaale ahaan faa’iido lahayn.

Nidaamka cusub, integreringsstønad-ka waxaa si tartiib ah looga jari doonaa dakhliga qofka, halkii hore lacagta si toos ah krone-krone looga jari jiray. Taas macnaheedu waa in qofka shaqeeya uu had iyo jeer heli doono faa’iido ka badan kan aan shaqeyn.

— “Shaqo helistu waa mid u wanaagsan qofka, qoyskiisa iyo bulshada. Waxay siisaa tababar luqadeed, isdhexgal iyo madax-bannaani dhaqaale,” ayay tiri Stenseng.

Qaar ka mid ah gobollada dalka, qofka qaxootia ah ee carruurta leh ayaa dowlada ka helo dhaqaale ka badan qofka shaqeeya arrintaas oo ay dowladu ku tilmaantay mid aan sii socon karin.

Soo jeedinta cusub ee dowlada ayaa gali doonto dhageysi iyo dood baarlamaanka ah, waxaana hadaba muuqato in inta badan xisbiyada baarlamanka ay arrintan soo dhaweeyeen.

Xigasho/kilde: Regjeringen vil gi flyktninger mindre penger

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x