tirsdag, februar 17, 2026

Booliska oo leysinka baabuurka ka qaaday qofka baabuurka watay.

Booliska magaaladda Råde ee gobolka Østfold ayaa istaajiyay qof baabuur waday, waxeyna isla goobtaas booliska qofka baabuurka waday uga qaadeen leysinka baabuur wadista. Sababta ayaa lagu sheegay in ninkan uusan nadiifin muraayadda daaqadda hore ee baabuurka, taas oo aan u sahleyn inuu si fiican u wax u arko xiliga uu baabuurka wado.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay dacwo ka gudbinayaan ninkan baabuurka waday.

Xilyada winterka ee barafka, sanad walba boqolaal qof ayaa lumiyo leysinka baabuurka sababo la xiriira inay nadiifin muraayaddaha hore ee baabuurka, gaar ahaana marka uu baabuurku mudo istaagsanaa oo ay fuusho ciiryaamo barafowday.

Xigasho/kilde: Kjørte med denne ruta – mistet lappen

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x