Sida laga soo xigtay warbixin iyo tiro ay soo bandhigtay hey adda booliska Norway ( Politidirektoratet), In ka badan 3,000 baasaboorrro iyo 1,600 kaar aqoonsi (ID-kort) ayaa ku luntay boostada intii u dhexeysay 2020 ilaa Nofeembar 2025.
Marka uu qofku dalbado baasaboor cusub, waxa uu qofku dooran karaa in baasaboorka loogu soo diro boostada, ama uu isago iskiis u imaado xarunta booliska oo uu qaato. Waxaana mararka qaarkood dhacda in baasaboorkii lagu soo diray boostada uu dhexda ku lumo, oo qofkii dalbaday uusan gaarin.
Booliisku waxay sheegeen in dukumentiyo badan dib loo helo kaddib marka qofku soo sheego in baasaboorka ama kaarka aqoonsiga uu ku lumay boostada, sidaas darteed tirada dhabta ah ee khasaaraha ay ka yar tahay tan la soo sheegay.
Halis ayaa ka dhalan karta baasabooradda luma:
Sida ay sheegeen boolisku, baasabooradda lumay ee aan booliska lagu soo wargalin inay lumeen, ayaa waxaa loo adeegsan karaa sifooyin qaldan oo sharci daro, ayna kamid yihiin : In dad lagu tahriibiyo, in qofku uu lacago ku dalbado ama uu ku iibsado alaabo, ama sidoo kale inuu wadan kale ugu safro isaga oo iska dhigayo inuu yahay qofkii baasaboorka lahaa.
Waxaana sidoo kale dhici karto in baasaboorka lumay ee qofka loo adeegsado sifooyin kale o digital ah oo ay kamid noqon karto in lagu furto koontooyin baraha bulshada ama lacagaha digitalka ah. Halkaas oo qofka baasaboorka lahaa uu kala kulmi dhibaatooyin dhaqaale ama bulsheed.
Horey kasoo sheeg, hadii aad baasaboorka weydo:
Booliisku waxay sheegeen in marka qofka baasaboorka dalbaday ee sugayay helitaankiisa, uu booliska si deg deg ah ula soo xiriiro hadii ay kasoo wareegtay 10 maalmood oo ka bilaabato maalintii uu helay fariinta SMS-ta ah ee sheegeyso in baasaboorkii loo soo diray.
Boooliska waxa ay sheegeen in markaasba baasaboor la xanabiyo oo loo diiwaangalinayo inuu yahay mid lumay: Marka dukumentiga la diiwaangeliyo inuu lumo, waa la raadinayaa, waxaana la ogaanayaa haddii qof isku dayo inuu ku safro ama u adeegsado si sharci-darro ah.
Booliisku sidoo kale waxay xusuusiyeen in qofku dooran karo inuu dukumentiyada ka qaato xafiiska booliiska, halkii boosto lagu soo diri lahaa.
Xigasho(kilde: Over 3000 pass forsvant: – Da må man kontakte politiet så raskt som mulig