fredag, januar 23, 2026

Baarlamaanka Danmark oo kulan aan caadi aheyn isugu imaanayo.

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Denmark (Folketinget) ayaa maanta isugu imaanayo kulan degdeg ah (ekstraordinært møte) oo ku saabsan sidii looga go aan qaadan lahaa xiriirka Denmark iyo Maraykanka, kaddib hadallo iyo tallaabooyin ka yimid Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo la xiriira jaziiradda Greenland.

Sida ay warisay TV 2, kulanka ayaa noqonaya mid heer sare ah, waxaana ka qayb geli doona Ra’iisul Wasaaraha Denmark, Mette Frederiksen, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Lars Løkke Rasmussen, iyo mas’uuliyiin kale oo sare oo ka tirsan dowladda.

Sida ay qoreyso warbaahinta Danmark, kulanka ayaa diiradda saarayaa walaaca sii kordhaya ee dowladda Denmark ka qabto mowqifka Washington ee ku aaddan Greenland, iyo saameynta ay arrintani ku yeelan karto xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Xogta laga helayo kulankan ayaa sheegtay in kulankan uu yahay mid aan caadi ahayn, taasoo muujinaysa sida ay dowladda Denmark u aragto xaaladda mid culus. Ujeeddada kulanka ayaa ah in la sameeyo qiimeyn wadajir ah oo ku saabsan hadallada ka yimid Maraykanka iyo saameynta ay ku yeelan karaan xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Reysulwasaaraaha Denmark Mette Frederiksen ayaa horey u sheegtay in Greenland ay tahay dhul is-maamul ah oo hoos taga Denmark, isla markaana aan laga wada hadli karin mustaqbalkeeda iyadoo la adeegsanayo cadaadis ama hanjabaad siyaasadeed. Reysulwasaaraha Denmark Mette Frederiksen, ayaa dhanka kale ku celisay in xiriirka Maraykanka uu yahay mid muhiim ah, balse uu ku salaysnaado ixtiraam buuxa oo loo hayo madaxbannaanida Denmark iyo is-maamulka Greenland.

Kulankan degdegga ah ayaa yimid kaddib markii Midowga Yurub iyo Britain ay si cad u muujiyeen taageero ay u hayaan Denmark, iyagoo xusay in xuduudaha iyo madaxbannaanida dalalka Yurub aysan ahayn arrin laga gorgortami karo.

Arrintan ayaa muujinaysa heerka xasaasiyadda siyaasadeed ee ka dhalatay mowqifka Maraykanka ee Greenland, iyo sida ay u saameyneyso xiriirka Denmark, Mareykanka iyo xulafadeeda reer Galbeed.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x