fredag, januar 23, 2026

7 hogaamiye oo Yurub ah oo bayaan cad ah u diray Trump.

Toddoba hoggaamiye oo dalal Yurub ah hogaamiyo ayaa si wadajir ah u sheegay u qoray waraaq ay ku sheegeen in masiirka gobolka Greenland wax laga weydiinayo oo kali ah dadka kunool dhulkaas, isla markaana kaliya Denmark iyo Greenland ay xaq u leeyihiin inay go’aan ka gaaraan arrimaha khuseeya labada dhinac.

Waraaqdan banaanka ah ayaa waxaa lagu faafiyay boga xafiiska reysulwasaaraha Danmark-.

Bayaankan wadajirka ah ayaa loo diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaddib hadallo loo fasirtay hanjabaad uu rabo inuu kula wareego jaziiradaas. Waxeyna Hoggaamiyeyaasha Yurub sheegeen in mustaqbalka Greenland aan laga go’aamin karin meel ka baxsan Greenland.

Bayaanka waxaa saxiixay hoggaamiyeyaasha dalalka Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Poland, Spain, Britain iyo Denmark, oo ay matalayeen Emmanuel Macron, Friedrich Merz, Giorgia Meloni, Donald Tusk, Pedro Sánchez, Keir Starmer iyo Mette Frederiksen.

Madaxdan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in ammaanka Arctic-ga uu yahay mudnaan amni oo muhiim u ah Yurub iyo caalamkaba, iyagoo xusay in NATO ay u aqoonsatay Arctic-ga aag mudnaan leh. Waxay sheegeen in xulafada Yurub ay kordhiyeen joogitaankooda iyo maalgelintooda amni si loo ilaaliyo amniga gobolka.

Sidoo kale, bayaanku wuxuu xusay in Boqortooyada Denmark, oo ay ku jirto Greenland, ay ka tirsan tahay NATO, isla markaana ammaanka Arctic-ga lagu xaqiijinayo wada-shaqayn lala yeesho xulafada NATO, iyadoo la raacayo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay ee madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha.

Inkasta oo ay si cad u difaacayaan mowqifka Denmark iyo Greenland, haddana madaxda Yurub oo weli aan warkooda wada cadeysan karin, waxa ay Maraykanka ku tilmaameen saaxiib lama huraan ah dhinaca amniga Arctic-ga, iyagoo xusay heshiiska difaaca ee Denmark iyo Maraykanka ee 1951.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x