Laga bilaabo 1-da bishan Janaayo 2026, waxaa Norway ka dhaqan galaya xeer cusub oo mamnuucaya in cabitaannada tamarta (energidrikke) laga iibiyo dhalinyarada ka yar 16 sano. Sida uu sheegay NRK, dukaamada ayaa xeerkan cusub uga dhigayaa inay hubiyaan da’da macaamiisha, haddii ay jirto shaki ku saabsan da’dooda.
Arrintan waxaa sidoo kale ka dhalan karta in shaqaalaha dukaamada ay qofka ay da´diisa ka shakiyaan ay weydiin karaan su aalo ay ka mid yihiin inuu keeno kaar aqoonsi oo rasmi ah( baasaboor ama kaarka qaranka), si loo xaqiijiyo da’da qofka doonaya inuu iibsado cabitaanka. Tani waxay la mid tahay nidaamka lagu hubiyo da’da marka la iibinayo tubaako ama khamri.
Ujeeddada xeerkan ayay dowladu ku sheegtay in lagu ilaaliyo caafimaadka carruurta iyo dhalinyarada, maadaama cabitaannada tamartu ay ka kooban yihiin kafeen iyo sonkor aad u badan, taas oo keeni karta dhibaatooyin la xiriira hurdada, wadnaha iyo feejignaanta maskaxda.
Hay’adaha caafimaadka ayaa muddo dheer ka digayay isticmaalka cabitaannada tamarta ee da’yarta, waxayna sheegeen in xeerkan cusub uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu yareynayo khataraha caafimaad ee mustaqbalka.