fredag, januar 23, 2026

2 sarkaal oo dab-damis ah oo ku geeriyooday dab ka dhacay Verdal

Laba sarkaal oo dab-damis ayaa loo maleynayaa(wali lama xaqiijin) inay ku dhinteen dab xooggan oo xalay saqdhexe ka kacay guri ku yaalla deegaanka Verdal ee gobolka Trøndelag. Dabka ayaa billowday qiyaastii 2:00 habeenimo, waxaana gurmadka deg deg ah ee dab-dabiska loo yeeray isla xiligiisba.

Nin 30 jir ah oo deggenaa guriga ayaa la sheegay inuu si nabad ah uga baxay ka hor inta aysan dab-damisku gudaha u gelin. Laba sarkaal dab-damis oo ka tirsan hyey adda dab-damiska (Brannvesenet) ayaa gudaha u galay guriga holcaya, waxa la xaqiijiyay ineysan nabad uga soo bixin guriga oo uu lumay xiriirkii u dhaxeeyay iyaga iyo dab-damiska kale ee banaanka guriga ka shaqeynayay.

Booliiska ayaa sheegay in ehelada la wargeliyay, isla markaana ay u arkaan in labadaas sarkaal ay geeriyoodeen, inkasta oo aan weli la helin. Adeegyada gurmadka ayaa sameeyay dhammaan dadaallada suurtagalka ah si loo helo raqda ama ruuxda labadaas sarkaal, balse natiijo lama gaarin.

Mas’uuliyiinta dab-damiska ayaa sheegay in dabka uu ahaa mid aad u xooggan, guriguna uu si buuxda u burburay, taas oo ka dhigtay in aan dib loogu laaban karin gudaha. Labada dab-damis ayaa la sheegay inay ahaayeen dad sarkaal oo khibrad u lahaa xaaladdaha noocan oo kale ah.

Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Støre ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid murugo leh, isagoo xusay in ay xusuusinayso halista ay wajahaan dadka ka shaqeeya badbaadinta bulshada.

Booliiska ayaa bilaabay baaritaan, balse sababta dabka wali lama oga. Waxaa la xaqiijiyay in aysan jirin dad kale oo la la’yahay.

Xigasho/kilde: https://www.aftenposten.no/norge/i/d4OXVw/to-roeykdykkere-antatt-doede-i-verdal-i-troendelag

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x