Tirada dadka ku dhintay shilalka waddooyinka ee Norway gudaheeda ka dhacay sannadkii hore ayaa gaartay 111 qof, sida ay warisay jariiradda Nettavisen. Tiradan ayaa muujinayso in shilalka gaadiidka ay weli yihiin mid kamid ah dhacdooyinka sababa dhimashada ugu badan ee gudaha Norway ka dhacda.
Sida ku cad warbixinta, dadka dhintay waxaa ka mid ah darawallo, rakaab iyo dad lugaynayay wadooyinka xiliga uu falkan dhacay. Mas’uuliyiinta amniga waddooyinka ayaa sheegay in sababaha ugu waaweyn ee shilalkan ay ka mid yihiin xawaare sare, feejignaan la’aan, isticmaalka taleefanka gacanta inta la wado, iyo wadis masuuliyad dareed ah( khatar ah).
Marka la isku daro tirada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacyadda ay kasoo gaareen shilalka gaadiidka, ilaa 600 ayay waxyeelo kasoo gaareen shilalka wadooyinka sanadkii tagay.
Warbixinnada hordhaca ah ee hay’adaha waddooyinka ayaa muujinaya in 23 ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen dhalinyaro ka yar 24 sano. Inta badan dadka ku dhintay shilalka waxay ahaayeen rag, halka haweenku ku dhinta shilalka ay yaryihiin.
Inkasta oo Norway ay ka mid tahay dalalka Yurub ee dadka ugu yar ay ku dhintaan wadooyinka, marka loo eego dalal kale, haddana hay’adaha wadooyinka ayaa sheegay in xitaa hal dhimasho ay tahay mid aad u badan, isla markaana loo baahan yahay tallaabooyin dheeraad ah oo lagu yareynayo shilalka gaadiidka Norway.
Booliiska iyo hay’adaha gaadiidka ayaa ugu baaqay darawallada inay muujiyaan mas’uuliyad dheeraad ah, gaar ahaan xilliyada mashquulka badan ay wadooyinka ka jiraan. Waxaa sidoo kale la xusay in la sii adkeyn doono xakamaynta xawaaraha iyo kormeerka taraafikada.
Dowladda Norway waxay horey u dejisay hadaf ah in aysan jirin cid ku dhimata ama ku dhaawacanta shilalka waddooyinka, istaraatiijiyadaas oo loo yaqaan Vision Zero. Si kastaba ha ahaatee, tirooyinka cusub ayaa muujinaya in shaqo badan ay weli harsan tahay.