UDI-da oo diidmo siisay koox Ethiopia ka timid oo ka qeybgashay koobka Norway Cup.

Xagaa walba bilaha Luulyo iyo August, waxaa Norway lagu qabtaa koobka kubadda cagta caalamiga ah ee Norway-Cup, waxaana kasoo qeybgalayo kooxo kala duwan oo ka kala yimid daafaha caalamka. Inta badan kooxaha koobkan ka qeybgala ayaa u badan dhalinyaro iyo caruur ay da’doodu u dhaxeyso 6 ilaa 19 sano oo ka yimid qaarado kala duwan.

Dhibaato mudo soo taagneyd ayaa aheyd in qaar kamid ah ciyaartoyda dhalinyarada ah ee koobka lagu casuumo, visaha ku hela ka qeybgalkiisa ay dalka iska dhiibaan oo ay magangalyo codsadaan. Waxaana ugu danbeeyay koox ka timid dalka Ethiopia oo ka koobneyd 15 ciyaartoy, kuwaas oo markii hore viso ku helay ka qeybgalka koobkan, balse markii danbe iska dhiibay Norway oo magangalyo codsaday.

Sida ay tabisay wakaaladda wararka ee NTB, UDI-da ayaa diidmo siisay 14 kamid ah 15-ka qof ee kooxdaas katirsanaa ee magangalyada codsaday.

UDI-da ayaa diidmadda sharciga ee ay siisay dhalinyaradan reer Ethiopia ku saleysay inay qiimeeyaan baahida magangalyada iyo xaaladdaha gaarka ah ee codsadayaasha, laakiin sidoo kale ay ka hortagayaan in si qaldan loogu takri falo nidaamka casuumaaddaha iyo viso-bixinta dadka Norway lagu casuumo shaqo awgeed.

waxaan si gaar ah u qiimeynaa dhammaan kiisaska noocan ah, isla markaana waxaan xoogga saarnaa ka hortagga ku-takri-falka nidaamka fiisaha iyo magangalyada. Diidmooyinku waxay ku saleysan yihiin qiimeyn laga sameeyay dhammaan shuruudaha khuseeya, waxaana ka mid ah 15-ka qof ee magangalyada doonayay kaliya hal qof oo buuxiyay shuruudaha helitaanka ilaalin,” ayay tiri agaasimaha waaxda magangalyada ee UDI, Wenche Fone, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

UDI-da ayaa intaas ku dartay in caruur kamid ah dhalinyarada is dhiibtay ay weli joogaan xiligii ay u baahnaayeen xanaanadda waalidkood, dalka ay ka imaadeena aysan ka jirin baahi magangalyo xiligan:

“Intaa waxaa dheer, waxaan qiimeynay waxa ugu fiican ee carruurta, waxaana gunaanadkeenna yahay in ay carruurta u roon tahay in lagu celiyo daryeelayaasha ama waalidiinta mas’uulka ka ah. Ma jiraan tixgelinno bini’aadantinimo oo ku filan, mana aha mid ammaan-darro ku filan waddanka ay ka yimaadeen si magangalyo loo siiyo,” ayay Fone ku dartay.

Xigasho/kilde: 14 av 15 Norway Cup-avhoppere fikk ikke asyl

Latest news
Related news