Sida uu sheegay wasiirka arrimaha soo galootiga dalka Sweden, Johan Forssel, Dowlada Sweden ayaa sheegtay inay sii wadeyso, siina xoojineyso iskaashiga iyo wada-shaqeynta kala dhaxeeyo dowlada Soomaaliya ee tarxiilka qoxootiga Soomaaliyeed ee diidmada ka heysta codsiyada magangalyada, iyo waliba dadka danbiyada ka galay Sweden ee maxkamaddaha dalkaas ay ku xukumeen tarxiilka.
Ilaa hada sanadkan 25 qof oo soomaali ah oo isugu jiro dad danbiyo galay oo la xukumay iyo dadka diidmo kama dambeys ah ka helay codsiyada qoxootiga ayaa lagu celiyay Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka soo galootiga dalka Sweden. Arrintaas oo uu wasiirku cadeeyay inay muujineyso in heshiiskaas uu yahay mid miro-dhal ah oo shaqeeyay.
Sweden ayaa horey u cadeysay in qeyb kamid ah taageerada dhaqaale iyo deeqaha ay siiso Soomaaliya ay ku badalaneyso in Soomaaliya ay qaabisho qoxootiga Soomaaliyeed ee diidmada helay ee Sweden ay rabto inay dib ugu celiso Soomaaliya. Heshiiska arrintan ku saabsan oo mudo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waa banaanka keenay warbaahinta Sweden oo ku sameysay dabagal iyo baaritaan qoto-dheer.
Waxaa la ogaaday in Sweden ay 100 milyan kr oo qiyaastii u dhiganta 10 milyan oo kamid ah miisaaniyada dowlada Sweden ee deeqaha dalalka soo koroyo la siiyay Soomaaliya, si ay gogol-xaar ugu noqoto celinta qoxootiga Soomaaliyeed ee diidmada ka heysta codsiyada Sweden.
10-kaas milyan waxaa la sheegay in la mariyay mid kamid ah xafiisyada ugu sareeyo hey addaha dowliga ah ee Soomaaliya, arrintaas oo ay walaac ka muujiyeen hey addaha ka shaqeeya ka hortaga musuq-maasuqa oo eedeyn culus u jeediyay dowlada sweden. Waxaana laga deyriyay qaabka loo qaabeeyay heshiiska, qaabka lacag-bixinta iyo sharciyad ahaantiisa, iyada oo la sheegay in qaabka heshiiskan loo maareeyay uu muujinayo inuu yahay mid u nugul musuq-maasuq iyo daah-furnaan la aan.
Waxaa intaas dheer ilaa 500 kun dollar oo u dhiganta 5 milyan oo lacagta Sweden ah oo loo qoondeeyay sadex qof oo ay shaqaaleysiisay dowlada Soomaaliya, kuwaas oo si toos ah uga shaqeynayo hirgalinta heshiiska iyo fududeynta tarxiilka.
Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba diiday jiritaanka “heshiis qarsoon” oo ku saabsan soo celinta muwaadiniinteeda, iyaga oo sheegaya in wada shaqeyntu ay tahay mid caadi ah oo dhisaysa awooda hay’adaha, uuna heshiiskaas yahay mid waafaqsan shuruucda caalamiga ah
Xisbiyada mucaaradka Sweden waxay dalbadeen in la baaro wasiirka Forssell sababtoo ah sida lacagaha loo maareeyay iyo faahfaahinta heshiiska oo aan si buuxda loo shaacin sida uu qoray.- SVT Nyheter
Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee Sweden waxay cadeeyeen in siyaasadda iyo hadalka siyaasiyiinta laga yaabo inay sumcad xumo u geystaan bulshada Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan dad aan dembi lahayn.
Xigasho/kilde: Här är den hemliga uppgörelsen om Somaliapengarna