lørdag, januar 24, 2026

Sweden: Dadka danbiyada geysta, sharciyada ayaan ka celineynaa.

Dowlada Sweden ayaa soo jeedisay in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka dalkaas, si dowladu ay awood ugu yeelato inay sharciyada iyo jinsiyadda Sweden ay dib uga celin karto dadka danbiyada ka gala dalkaas, iyo dadka khatarta ku ah danaha muhiimka ah ee qaranka Sweden.

Soo jeedintan waxaa si wadajir ah u soo bandhigay saddexda xisbi ee dowladda maamula iyo xisbiga taageera, Sverigedemokraterna (SD), sida ay baahisay SVT oo toos u tabisay shir jaraa’id oo lagu qabtay Stockholm.

Dowladdu waxay sidoo kale rabtaa in isbeddel lagu sameeyo dastuurka si ka mid noqoshada kooxaha dambiyada abaabulan ka shaqeeyo loo mamnuuco oo ay danbi u noqoto.

Sweden: Qofna jinsiyada laga celin jirin:

Si duwan dalalka Norway iyo denmark, dastuurka Sweden uma oggola dowladda in ay la noqoto jinsiyadda qofkii mar la siiyay, xitaa haddii qofkaasi dembi culus galo. Sidoo kale, ku biirista kooxaha dambiyeed ma aha dembi maadaama ay ka hor imanayso xorriyadda ururrada oo dastuurka ku qoran.

Qorshahan cusub wuxuu ku saleysan yahay talooyin ay bishii Janaayo soo saartay guddiga dastuuriga ah ee baarlamaanka. Dhammaan xisbiyada ayaa taageeray in laga qaadi karo jinsiyadda dadka leh laba jinsiyadood ee gala dambiyo culus – marka laga reebo Vänsterpartiet iyo Miljöpartiet.

Si kastaba, xisbiyada mucaaradka oo ay ka mid yihiin Socialdemokraterna ayaa diiday in jinsiyadda laga qaadi karo dadka “waxyeeleeya danaha muhiimka ah ee Sweden”, iyagoo sheegay inay tahay eray macne ahaan aad u ballaaran.

Talaabaddan ayaa qeyb ka ah isbadalka ku yimid siyaasadda dowlada Sweden ee ka dhan dadyowga soo galootiga ah, waxa ayna Sweden kamid aheyd dalalka ugu siyaasad qabow ajaaniibta sanadihii hore ee ka horeeyay 2022.

Xigasho/kilde: Sveriges regjering vil frata kriminelle statsborgerskap

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x