Soomaaliya ayaa dhawaan wareegi doonto madaxweynaha wareegga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo ah habraaca diblomaasiyadda caalamiga ah.
Arrintaan oo lagu wado in ay dhacdo maalmaha soo aaddan ama horraanta bisha Jannaayo ee 2026-ka ayaa la filayaa in ay muujiso heerka Soomaaliya ay gaartay marka laga hadlo miisaska lagu gaaro go’aannada waaweyn ee caalamka.
Inta ay socoto muddada hal-biloodka ah ee madaxtinnimada, Soomaaliya waxay ka qayb qaadan doontaa dejinta ajandaha golaha, waxayna guddoomin doontaa shirar heer sare ah, iyadoo kormeeraysa doodaha ku saabsan arrimaha amniga caalamka ee mudnaanta leh. Arrimahan waxaa ka mid ah howlaha nabad-ilaalinta, la-dagaallanka argagixisada, xasilloonida gobollada, iyo caqabadaha bani’aadannimo.
In Golahan ay Soomaaliya madax ka noqoto waxaa loo arkaa mid fursad siinaysa dalka Soomaaliya si gaar ah mid ay ku soo bandhigto mudnaanta Afrika iyo Geeska Afrika — laga bilaabo la-dagaallanka argagixisada ilaa dhibaatooyinka bini’aadantinimo.
Sidoo kale tallaabadan waxaa ay Soomaaliya ka dhigaysaa mid sare u qaadaysa aragtida Soomaalida isla markaana sawir ka bixinaysa in Soo kabashada Soomaaliya ay marayso heer wanaagsan.
Hoggaamintan waxaa lagu gaaraa go’aanno masiiri ah oo samaeyn leh, waxaana dadka arrimahaan falanqeeyaa ay sheegayaan in Soomaaliya wax badan ku bedeli karto fursaddan muhiimka ah ee ay heshay.