fredag, januar 23, 2026

Ireland: Maxkamad 4,5 sano xabsi ah ku xukuntay nin ku eedeysan tahriibin sharci daro ah.

Maxkamad kutaal magaaladda Dublin ee caasimadda dalka Ireland ayaa 4 sano iyo bar xabsi ah ku xukuntay nin soomaali ah oo ku eedeysan inuu qaab sharci daro ah dalkaas kusoo galiyay 2 haween soomaali ah, isaga oo adeegsanayo baasaboori diblomaasi ah.

Maxkamadda ayaa ninkan ku eedeysan inuu qaab tahriibin sharci daro ah dalkaas kusoo galay labaddan haweenka ah oo watay baasabooro diblomaasi ah oo aysan iyagu laheyn, isaga oo ka faa’iideysanayo kalsoonidda lagu qabo baasabooradda diblomaasiga ah. Haweenkan ayaa sidoo kale la xaqiijiyay inaysan u shaqeyn dowlada Soomaaliya ama wax howl ah oo idman aysan u heyn dowlada Soomaaliya.

Labadda haweenka ah ayaa sidoo kale marag-fur ay sameeyeen ku cadeeyay in ninkan uu ahaa qofka soo galiyay Ireland. Mid kamid ah haweenka ayaa sheegtay inay ninkan siisay 14 000 oo dollar si uu shaqaddan ugu qabto, halka tan kalena ay sheegtay inay bixisay 15 000 dollar.

Sidoo kale waxaa iyadana cadeymaha maxkamadda la hor keenay ka mid ah ku dhawaad 14 000 dollar oo kaash ah oo ninkan lagu qabtay, xiliga ay boolisku xabsiga dhigayeen.

Maxkamaddu ninkan xukuntay ayaa aad u adkeysay qodobka xeer ilaalinta Ireland oo ku saabsanaa in isticmaalka khaldan ee baasaboorrada diblomaasiyadeed uu yahay dambi aad u culus, maadaama uu dhaawacayo nidaamka socdaalka, amniga qaranka, iyo sidoo kale kalsoonida caalamiga ah ee la siiyo dukumeentiyada rasmiga ah ee dowladaha.

Ugu dambeyn, maxkamaddu waxa ay ninkan ku xukuntay 4 sano iyo bar xabso xabsi, ciqaabtaas oo loo arko inay tahay mid adag. Balse maxkamadda ayaa sheegty in ciqaabtu ay lagama maarmaan u tahay fariin cad oo loo diro cid kasta oo isku dayda inay ku xadgudubto sharciyada socdaalka ama ku takri-fasho dukumeentiyada rasmiga ah.

Xigasho/kilde:_ Man jailed for using Somali diplomatic passports to help women enter the State

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x