fredag, januar 23, 2026

Dowlada oo rabta in PST la siiyo awood dheeraad ah oo ay wax ku baarto.

Dowladda Norway ayaa soo jeedisay isbeddel sharci oo ballaarinaya awoodda Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Norway a (PST) si ay u adeegsato awood dheeraad ah iyo qalab khasab ah (tvangsmidler), marka ay baarayso dambiyada aadka halista u ah.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Caddaaladda iyo aminga, sharciga hadda jira wuxuu PST u oggolaanayaa inay adeegsato hababka baaritaanka ee keena in la faragaliyo nolosha gaarka ah ee qofka, kaliya marka la baarayo arrimo la xiriira argagixiso. Hadda se, dowladdu waxay doonaysaa in awooddaas loo ballaariyo si loo adeegsado awood dheeraad ah marka ay hey addu baareyso danbiyada culus.

Soo jeedinta cusub waxaa kamid in PST loo oggolaado inay si qarsoodi ah u rakibto qalabka xog-ururinta (dataavlesing) gudaha guryaha gaarka loo , haddii baaristu la xiriirto falal sida xadgudub amni (sabotasje) ama dhoofin sharci-darro ah oo la xiriirta, tusaale ahaan, tignoolajiyada hubka oo kale.

Wasiirka Caddaaladda iyo amniga, Astri Aas-Hansen (Xisbiga Shaqaalaha – Ap), ayaa tiri:

“Marka xaaladda amniga is beddesho, waa inaan sidoo kale dib u eegno in sharciyadeennu weli la jaanqaadayaan xaaladda iyo khataraha cusub ee soo ifbaxay. Aad bay muhiim u tahay in PST ay xili hore gasho baaritaanks kiisaska. Sidaas darteed, maanta waxaan soo jeedinaynaa in PST la siiyo awood ay ku adeegsato qalab khasab ah si looga hortago falal halis ah sida xadgudub amni iyo ku xadgudubka xeerarka xakamaynta dhoofinta.”

Xaaladaha la xiriira argagixisada, rabshadaha ama hanjabaadaha ka dhanka ah mas’uuliyiinta dowladda, PST waxay horey u lahayd awood ay si degdeg ah u bilowdo tallaabooyinkan, iyada oo oggolaanshaha maxkamadda la raadinayo kaddib. Soo jeedinta cusub ayaa ballaarinaysa awooddan si ay u dabooli karto dambiyo kale oo khatar ku ah amniga qaranka.

xigashi: Foreslår å styrke PSTs evne til å forebygge alvorlig kriminalitet

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x