lørdag, januar 24, 2026

Danmark: Mareykanku ha ixtiraamo madax-banaanidda dalkeena.

Denmark ayaa uga digtay Mareykanka inuu ixtiraamo madax-banaanideeda ka dib markii Donald Trump uu ergay gaar ah u soo magacaabay Greenland, oo ah ismaamulka Danishka oo uu madaxweynaha Mareykanka horay ugu hanjabay inuu la wareegi doono.

Gelinkii dambe ee Axadii, Mr Trump wuxuu ku dhawaaqay inuu u magacaabay siyaasiga Mareykanka Jeff Landry inuu noqdo ergaygiisa gaarka ah ee Greenland.

Wasiirka arrimaha dibadda Denmark (Lars Lokke Rasmussen) ayaa sheegay inuu aad uga carooday tallaabadaas. Arrintaas oo sababtay in Danmarku ay canaan ugu yeerto safiirka dalka Mareykanka ee Danmark.

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay waajib tahay in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee (Boqortooyada) Denmark.

Hogaamiyayaasha Danmark iyo Greenland ayaa marar badan ku adkaystay, in jasiiradda wayn ee Arctic aanay iib ahayn, oo ay iyadu ay leedahay go’aanada ku aadan mustaqbalkeeda.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x