Reysulwasaaraha Norway oo loo diiday soo galitaanka Israel.

Reysulwasaaraha dalkan Norway Jonas Gahr Støre ayaa bishii hore loo diiday inuu booqasho ku tago Israel, sababo la xiriiro arrimaha siyaasadeed. Waxa ayna dowlada Israel sheegtay ineysan xiligan diyaar u aheyn qaabilaadda wafdi ka socdo dowlada Norway.

Reysulwasaaraha Norway ayaa xaqiijiyay arrintaas, waxa uuna sheegay in booqashada Isreal ay ku dhalatay, kadib markii uu ka qeybqaatay heshiiskii nabadda ee Israel iyo Hamas, kaas oo ka dhacay magaaladda Sharma Sheikh ee dalka Masar.

Kadib, marka uu xafiiska reysulwasaaraha Norway dalab arrintaas ku saabsan dhigiisa Israel, ayaa jawaabta ka timid Israel waxa ay noqotay in xiligan ay qaban-qaabin karin booqasho uu dalkaas ku tago madaxa ugu sareeyo dowlada Norway. Arrintaas oo lagu soo gaabiyay sababo la xiriira arrimo siyaasadeed.

Norway ayaa kamid ah dalalka Yurub ah ee aadka u taageero qadiyada Falastiin, waxa ay Norway ku jirtaa dalalka foolaadka u ah ee aqoonsaday dowlad gaar ah oo ay leedahay Falastiin, iyaga oo taageero maaliyadeed iyo mid gargaar xoogan ah ku bixiso arrintaas.

Norway ayaa sidoo kale horey cuno-qabateyn dhinaca socdaalka ah ugu soo rogtay wasiiro katirsan xukuumadda reysulwasaare Benjamin Netanyahu, kuwaas oo lagu eedeeyay gabood-falo ka dhan xuquuqda insaanka.

Talaabadda ay Israel ku diiday inuu booqasho ugu yimaado reysulwasaaraha Norway, ayaa loo fasirin kara fal-celin ka dhalatay taageeradda banaanyaalka ah ee Norway ay u heyso Falastiin.

Xigasho/kilde: Støre ble nektet adgang til Israel

Latest news
Related news