Ajaaniibta Norway kunool ee kasoo jeedo 30 wadan oo Yurub ah, aana heysan jinsiyada Norway, ayaa dhawaan loo ogolaan doonaa inay qaataan kaarka aqoonsiga Norway( ID kort). Ajaaniibta dalalka kale ee caalamka kasoo jeedo, ayaa iyagana ay boolisku sheegeen in mudo kadib loo bilaabi doono qaadashada kaarka aqoonsiga.
Hawshan ayaa bilaaban doonto laga bilaabo labadda(2) bisha Desember ee sanadkan 2025.
Sida ku xusan qoraal kasoo baxay booliska, ajaaniibta heysta dhalashada dalalkan 30-ka ee soo socdo, ayaa loo ogolaan doonaa inay qaataan qaadashada kaarka aqoonsiga Norway ( Austria, Belgium, Bulgaria, Croatia, Cyprus, Czech Republic, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Greece, Hungary, Ireland, Italy, Latvia, Lithuania, Luxembourg, Malta, Netherlands, Poland, Portugal, Romania, Slovakia, Slovenia, Spain, Sweden, Iceland, Liechtenstein).
Waxaa shardi ah in qofka ajnabiga ah ee qaadanayo kaarka aqoonsiga uu heytto 11-ka nr ee aqoonsiga dhalashada Norway( Personnummer).
Kaarka aqoonsiga ayaa ah kaar uu qofka u adeegsan karo inuu ku muujiyo qofka uu yahay marka la joogo gudaha Norway.
Ajaaniibta kasoo jeedo dalalka ka baxsan kuwa kor ka xusan, ayaa iyagana loo ogolaan doonaa inay qaataan kaarka aqoonsiga Norway, laakiin lama shaacin xiliga arrintaas ay bilaabaneyso.