søndag, januar 25, 2026

Fawzi Warsame oo ku biiray baarlamaanka Norway

Fawzi Warsame oo ah siyaasi da’yar oo katirsan xisbiga shaqaalaha, xubina ka ah golaha deegaanka Oslo, ayaa maanta wuxuu markii ugu horeysay xaadiray golaha baarlamaanka Norway, isaga oo ah xildhibaan boos-xajiye ah(Vara).

Boos-xajiye ama vara ayaa ka dhigan in xildhibaanku uu booska u hayo xildhibaanadda xisbiga uu qofku katirsanyahay, hadii uu imaado in xildhibaanadda kuraasta fadhiyo uu ku imaado xanuun, fasax, shaqo wasiirnimo iwm.

Fawzi ayaa noqonayo xildhibaankii 3.aad ee soomaali ah ee kamid noqda baarlamaanka Norway, waxaana ka horeeyay Hashim M. Abdi oo Fredrikstad(Ap) laga soo doorto oo sanadkan soo galay iyo Maryan Xuseen oo afar sano oo hore fadhiday baarlamaanka.

Soomaalida ayaana xiligan ah qawmiyada ajnabiga ah ee xildhibaanadda ugu badan ku leh baarlamaanka. Arrintaas oo iyaduna ah dhacdo kale oo u baahan xusitaan iyo muujin.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x