Booliska dalkan Norway ayaa heshiis la saxiixday dhigooda dalka dhaca galbeedka Africa ee Morooko. Heshiiskan oo ah mid hordhac ah ayaa u gogol xaarayo wada-shaqeyn dhex marta booliska labadda dal.
Heshiiskan ayaa waxaa labadda dhinac u kala saxiixay, Håkon Skulstad oo ah madaxa hey adda booliska Norway, iyo madaxa hay’adda amniga Marooko Abellatif Hammouchi.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay booliska Norway, dalalka Norway iyo Marooko waxay horey u lahaa iskaashi amni oo wanaagsan, balse heshiiskan cusub wuxuu fure u noqon doonaa in labada boolis ay si dhow uga wada shaqeeyaan kiisas gaar ah, gaar ahaan marka ay la macaamilayaan shakhsiyaad ku sugan Marooko oo aan loo soo gacan-gelin karin Norway, sababo la xiriira inay heystaan dhalashada Marookeysan ama jinsiyad labaad.
“Waxaa jira xiriir iyo wada shaqeyn u dhaxeysa shabakadaha dembiilayaasha ee Norway iyo Marooko. Heshiiskan waa mid muhiim u ah xoojinta howsha ka hortagga kooxahan, waxaana aad ugu faraxsanahay in hadda la saxiixay,” ayuu yiri madaxa booliska Norway Håkon Skulstad.
Norway ayaa waxaa caqabad ku haya shabakado dembiyeed oo si caalami ah u shaqeeya, kuwaas oo si sahlan uga howl-gala dalal kala duwan oo qaarado kala fog ah. Europol oo ah hey adda booliska dalalka Yurub, ayaa ku tilmaamay khatarta shabakadahaan in ay gaartay heerkii ugu sarreeyay ee abid lagu arkay qaaradda Yurub.
Kripos oo ah xarunta xiriirka caalamiga ah ee booliska Norwegian ayaa sheegay in isku xirka dowladaha kale uu yahay tiir muhiim ah. Sannadkii hore ayay Norway heshiis la mid ah kan maanta la saxiixay la gashay dalka Colombia.
Xigasho/kilde; Norsk politi har inngått intensjonsavtale med Marokko