lørdag, mars 7, 2026

10 mar ayay boolisku istaajiyeen: Magdhow 200 kun kr ayuu helay.

Maxkamadda magaaladda Oslo ayaa 200 000 kr oo magdhow ah u xukuntay Awon Amidu, kadib markii uu booliska kusoo oogay dacwad la xiriirta inay kula kaceen beegsi cunsuriyeysan, kadib markii ay 5 sano gudaheed booliska wadooyinku istaajiyeen 10 mar. Falkan ayaa ka dhacay magaaladda Trondheim.

Maxkamadda ayaa xukuntay in falka ay boolisku kula kaceen Awon uu ahaa mid ka baxsan xuduudka sharciga, isla markaana kasoo horjeedo xeerka xuquuqda insaanka qaaradda Yurub.

Xigasho/kilde:
Staten dømt til å betale oppreisning til mann utsatt for etnisk diskriminering

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x