onsdag, mars 11, 2026

Oslo: Gabar dhalinyaro soomaali ah oo dishay walaalkeed ka yar.

Sida ay xaqiijiyeen boolisku, gabar dhalinyaro soomaali ah ayaa ku eedeysan dilka wiil walaalkeed ah oo shaley lagu dilay guri kuyaal xaafadda Søndre Nordstrand ee magaaladda Oslo.

Booliska ayaa sheegay in shaley abaare 17:00- galabnimo ay lasoo xiriirtay gabadha hada eedeysanaha ah, ayna ku wargalisay falka dhacay. Markii ay guriga tageen, ayay sheegeen inay u tageen dhaawaca wiilka dhalinyarada ah oo ay iskku dayeen inay badbaadiyaan, balse markii danbe ku geeriyooday isla goobta.

Xaaladda dhaawac ee qofka aan ugu tagnay guriga, waxa ay aheyd mid aad u daran. Waxaan sameynay talaabooyinka caafimaadka ee badbaadinta nafta ah, laakiin kuma aanan guuleysan, ayay sheegtay Monica Engebretsen oo ah madaxa howlgaladda booliska Oslo.

Gabadha dhalinyarada ah ee ku eedeysan falkan ayay boolisku xireen, waxa ay xaley la yeesheen wareysi dheer, iyada oo boolisku sharaxaad ka siisay qaabka ay wax u dhaceen. Booliska waxa ay dhankooda sheegeen in gabadha eedeysanaha ah ay tahay qof ku cusub oo aysan hore wax aqoon ama xiriir ah ula laheyn.

Da’da wiilka geeriyooday ayay boolisku sheegeen inay aheyd inay aheyd dhamaadka dhowr iyo toban-jirnimadda(15-20 sano).

Booliska ayaa weli wada baaritaanadda falkan.

Xigasho/kilde: Drap på Søndre Nordstrand: –⁠ Avhørt i flere timer i natt

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x