lørdag, januar 24, 2026

Lillestrøm: Qarax miino gacmeed ah oo xalay lagu weeraray goob maqaaxi ah.

Goob maqaaxi ah ee kutaal deegaanka Strømmen ee degmadda Lillestrøm, ayaa waxaa lagu lala beegsaday miino-gacmeed, sida ay xaqiijiyeen boolisku. Inkasta oo qarax ka dhashay miinadan meelo fog-fog laga maqlayay, hadana majirto wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay.

Booliska ayaa sheegay in xiliga uu dhacayay falkan uusan qofna joogin goobta shaqada ee maqaaxida la beegsaday ah.

Falkan waxaa loo soo qabtay 2 dhalinyaro ah oo 18 iyo 19 sano ay boolisku da´dooda ku sheegeen. Waxaana lala xiriirinayaa is-ugaarsiga u dhaxeeya kooxaha dambiileyda ah ee ka shaqeeya danbiyada abaabulan.

Xigasho/kilde: Foxtrot-mål har koblinger til angrepet Strømmen-restaurant

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x