fredag, januar 23, 2026

Fawzi A. Warsame oo loo xushay wafdiga Norway ee shirweynaha Q.M

Fawzi Cabdirashiid Warsame oo ah siyaasi soomaali ah oo katirsan golaha deegaanka ee magaaladda Oslo, ayaa loo xushay kamid noqoshada wafdiga Norway ku matali doono shirweynaha qaramadda midoobay ee bishan Oktober. Waxaana Fawzi uu noqday 2 qof oo loo xushay inay matalaan codka dhalinyarada Norway.

Sanad kasta marka ay dowlada direyso wafdiga qaramadda midoobay uga qeybgalayo shirweynaha guud, waxaa wafdiga kamid noqdo oo la xushaa xubno kooban oo laga soo xushay bulshada, kuwaas oo matala codka bulshada, gaar ahaana dhalinyaradda. Fawzi ayaa sanadkan loo xushay inuu noqdo qofka matalayo codka dhalinyarada, waxaana weheliza gabar kale oo lagu magacaabo Kaja Ingdal Hovdenak.

Fawzi waxaa soo gudbiyay oo sharaxay ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha ee AUF oo katirsanyahay golahiisa dhexe, uuna madaxa arrimaha iyo xiriirka caalamiga ah.

Fawzi oo ka hadlay in loo wakiishay inuu matalo codka dhalinyarada Norway, ayaa yiri: “Waxaan aad ugu faraxsanahay in la ii doortay wakiilka dhalinyarada ee Shirwaynaha Guud ee Qaramada Midoobay. Fursaddan aan ku matalayo dhalinyarada Norway goobtan caalamiga ah waxay ii leedahay qiimo weyn – si shaqsi ah iyo si siyaasadeedba. Waalidkay waxay u soo qaxeen Norway, waxaanan ku soo barbaaray faham qoto dheer oo ku saabsan muhiimadda iskaashiga caalamiga iyo is-taageeridda bani’aadannimada. Kalsoonidan la ii muujiyay waxay igu dhiirrigelinaysaa inaan kor u qaado xuquuqda dhalinyarada, gudaha Norway iyo caalamkaba.

Fawzi ayaa kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee sida aadka ah uga dhex muuqato siyaasadda Norway, isaga oo sanadkan kamid ahaa musharaxiinta baarlamaanka ee xisbiga shaqaalaha ee magaaladda Oslo.

Xigasho/kilde: Fawzi Warsame og Kaja Ingdal Hovdenak er utnevnt til ungdomsdelegater til FNs generalforsamling

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x