søndag, februar 15, 2026

Dad mareykanka kasoo cararay oo Norway magangalyo weydiistay.

Sida ay muujinayaan tirokoobyada laanta qoxootiga Norway, ilaa 31 qof oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa sanadkan 2025 gudahiisa magangalyo weydiistay dowlada Norway. Waxaana tirada dadka u dhashay USA ee iska dhiibaya Norway ku yimid kor u kac aad u weyn, sida ay sheegayaan tirokoobyada la sameeyay.

Bishii ina dhaaftay ee september, ilaa 8 qof oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa magangalyo weydiistay Norway.

Mid kamid ah dadka Mareykanka u dhashay ee Norway iska soo dhiibay oo u warantay ayaa sheegtay inay jiraan dad badan oo xiligan raba inay ka qaxaan Mareykanka, gaar ahaan dadka isku jinsiga ah ee isku hawooda jinsi ahaan( Trans) oo xiligan ku sugan xaalad cabsiyeed oo ku saabsan amaankooda iyo badqabka noloshooda.

Haweeneydan oo kunool kaam qoxootiyeed oo kuyaal Trondheim ayaa diidmo ka heshay codsigeeda magangalyada, waxeyna sheegtay inay cabsi u qabto nafteeda, hadii lagu helay dalka Mareykanka.

Xigasho/kilde: Amerikanere søker om asyl i Norge

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x