Booliska magaalada Oslo ayaa Axaddii galabnimo qabtay kualna dijitaal ah oo ay kula hadlayeen waalidiinta, iyagoo ka digay halis sii kordheysa oo ah in carruurta iyo dhalinyarada loo adeegsanayo dambiyada abaabulan, gaar ahaan iyada oo la adeegsanayo baraha fariimaha sirta ah la isugu gudbiyo ee sida Telegram, Signal, Zangi iyo WhatsApp.
Booliska ayaa waaldiinta ku dhiirigaliyay inay aad ula socdaan waxa ay ku mashquulsanyihiin caruurtooda, iyo waliba qaabka ay u adeegsanayaan baraha bulshada gaar ahaan baraha bulshada ee fariimaha sirta ah la isugu gudbiyo.
Astri Johanne Holm, oo ah madaxa waaxda booliska deegaanka Oslo-bari, ayaa sheegtay in waalidiintu ay ka feejignaadaan carruurtooda inay isticmaalaan baraha sirta ah, maadaama kooxaha dambiilayaasha ahi ay adeegsanayaan si ay ula xiriiraan carruurta.
“Ma jirto sabab ilmo yar ama dhalinyaro u baahan tahay app sir ah oo taleefankeeda ku jira. Waalidiintu waa inay aad ula socdaan waxa carruurtoodu ku samaynayaan baraha bulshada. ” ayey tiri Holm.
Carruurta oo lagu jiidayo dambiyo culus
Kulanka ayaa yimid kadib dhowr dhacdo oo argagax leh oo ka dhacay Oslo iyo Lillestrøm toddobaadyadii la soo dhaafay, halkaas oo boolisku sheegeen in carruur da’doodu ka yar tahay 15 sano lagu qanciyay inay ka qeyb qaataan falal dambiyeedyo culus, oo ay ka mid yihiin qaraxyadii lagu arkay caasimadda Oslo iyo agagaarkeeda.
Boolisku waxay sheegeen in kiisas badan lala xiriiriyay inay lug ku leeyihiin shabakadaha dambiyada caalamiga ah, sida Foxtrot ee ka hawlgala dalka Sweden.
Tirakoob ay samaysay NRK ayaa muujisay in ugu yaraan 20 dhalinyaro ah oo reer Norway lagu xiriiriyay falalkaas sanadkan, halka ilmaha ugu yar ee la ogaaday uu yahay 12 jir.
“Waxaan aragnay carruur da’doodu tahay 11 sano oo la adeegsanayo. Waa arrin naxdin leh,” ayay tiri Holm.
Kulanka oo si weyn loo daawaday
Kulanka dijitaalka ah ayaa la baahiyay 17:00 fiidnimo, waxaana lagu daawanayay baraha bulshada ee Facebook, YouTube, Instagram iyo Discord. Boolisku waxay sheegeen in inta u dhexeysa 5000 iyo 6000 qof ay daawadeen.
Intii kulanka socday, waalidiin badan ayaa weydiiyay sida ay ula socdaan carruurtooda iyaga oo aan dhaawacin kalsoonida iyo sirta ilmaha.
Holm ayaa ku taliyay in xal ahaan la doorto wada hadal iyo xiriir joogto ah:
“Haddii aad la yeelato wada hadal furan iyo xiise dhab ah, waxaad si fiican u fahmi doontaa adduunka ilmahaaga. Weydii app-yada ay isticmaalaan, waxa ay xiiseynayaan iyo cidda ay la sheekaystaan.”
Waalidiinta: “Kulan keliya ma filna”
Helen Rist, oo ah guddoomiyaha ururka waalidiinta ee dugsiga Sofienberg ee xaafadda Grünerløkka, ayaa sheegtay in wacyigelinta ay tahay tallaabo muhiim ah, balse aysan ku filneyn hal kulan oo keliya.
“Waxaan u baahan nahay in boolisku si dhow ula shaqeeyaan dugsiyada si waalidiintu u helaan macluumaad sax ah iyo tilmaamo ku saabsan calaamadaha laga digayo,” ayay tiri Rist.
Wasiirka Cadaaladda: “Waxay khuseysaa dhammaan carruurteenna”
Wasiirka cadaaladda iyo amniga, Astri Aas-Hansen (Ap), kulanka kama aysan qeybgelin, balse waxay hore ugu sheegtay wakaaladda wararka NTB in waalidiintu ay si toos ah ula xiriiraan booliska haddii ay ka shakiyaan in carruurtoodu lagu jiidayo falal dambiyeedyo.
“Waalidiintu ha is oran carruurteyda arrintan laguma lug leh. Tani waa arrin khuseysa dhammaan carruurteenna,” ayey tiri wasiirka.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada booliska Oslo ee lagu doonayo in lagu xakameeyo kororka rekrutarinta carruurta ee ka dhex socota kooxaha dambiilayaasha – arrin ay hay’adaha amnigu ku tilmaameen khatar cusub oo ka dhan ah amniga bulshada Norway.