søndag, januar 25, 2026

(Bergen): Wargalin muhiim ah oo ku socoto jaaliyadda Soomaaliyeed ee Bergen.

(Bergen): Wargalin muhiim ah oo ku socoto dhamaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Bergen iyo agagaarkeeda:

Beri oo sabti ah(11-10-2025), waxaa magaaladda Bergen lagu qaban doonaa kulan looga hadlayo mawduuc aad u muhiim ah oo ku saabsan shuruucda, qaab-shaqeedka, talaabooyinka caawineed ee kala duwan ee hey adda barnevern-ka.

Waxaa kulanka lagu soo bandhigi doonaa qaabka wanaajinta xiriirka hey addaas iyo qoysaska ajaaniibta, iyo tusaalooyin guuleystay oo la xiriira arrintaas.

Kulanka ayaa u furan qof walba, waxa uuna isugu jiri doonaa aqoon kororsi, dood cilmiyeed iyo su aalo isweydiin.

Waxaa kulanka marti ku ah:
1-Sahardid M. Salaad: oo u shaqeeya hey adda barnevern-ka ee magaaladda Skien, ahna gudoomiyaha golaha ajaaniibta gobolka telemark.
2- Sh Abdiladif A. Ahmed: Imaamka masaajidka muslimiinta ee Bergen.
3-Abdullahi Elmi Ibrahim: Macalin, ahna madaxa barnaamijka hey adda

Kulanka ayaa 16:00 ka bilaaban doono iskuulka Slettebakken skole ( Vilhelm Bjerknes’ vei 15, 5081 Bergen).

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x