Saadaalaha hordhaca ah ee laga filayo doorashooyinka dalkan Norway ka dhici doono isbuuca danbe ayaa Muujinayo in xisbiga frp uu heli doono codad ka badan xisbiga Høyre, uuna FRP noqon karo xisbiga labaad ee ugu weyn dalka, kuna xigsada xisbiga shaqaalaha(Ap) oo sida muuqato mar kale noqon doono xisbiga ugu weyn dalka.
Frp ayaa isku cel-celis ahaan heli kara inta u dhaxeysa 18-20% codadka doorashada, halka xisbiga Ap uu heli karo qiyaas ahaan 27-30% codadka doorashada.
Saadaashan ayaa sidoo kale muujineyso in xisbiga Høyre oo taariikh ahaan ahaa xisbiga hogaamiyo xisbiyada garabka midig ee siyaasadda Norway uu ku yimid hoos u dhac xoogan oo dhanka taageeradda shacabka . Wuxuuna qiyaasti heli karaa 14-16% codadka doorashada.
Yaa reysulwasaare noqon doono: Muran siyaasadeed taagan
Saadaasha hordhaca ah ayaa sidoo kale sheegeyso in guud ahaan xisbiga garabka bidix ee uu hogaamiyo xisbiga Ap ay heystaan wax xoogaa fursad ah oo ay mar kale ku guuleysan karaan doorashada baarlamaanka, uuna sidaas mar kale reysulwasaare kusii ahaan karo, Jonas Gahr Større oo hada ah reysulwasaaraha Norway.
Laakiin waxaa sidoo kale suurtogal ah inay guushu raacdo dhinaca garabka midig, oo isku dar heli karo codad u dhigma 85 xildhibaan oo ay u baahanyihiin, si ay ugu guuleystaan aqlabiyada kuraasta baarlamaanka. Laakiin waxaa halkaas kasoo baxay su aal ah, yaa noqon doono reysulwasaaraha ama qaadan kara booskaas, hadiiba uu guuleysto garabka midig.
Caadi ahaan, marka ay xisbiyadu sameysanayaan iskaashi, waxaa kursiga reysulwasaaraha qaata xisbiga ugu codadka badan, taas oo awood siineyso xisbiga Frp. Laakiin xisbiga Høyre oo ahaa hogaamiyaha garabka midig ee xisbiyada Norway, ayaa arrintaas ka biyo diidan. Halka sidoo kale xisbiyada Venstre iyo KRF oo ah labadda xisbi ee garabka midig ku weheliya xisbiyada Frp iyo Høyre, aysan la dhacsaneyn in SYLVI listhaug oo ah gudoomiyaha xisbiga Frp ay noqoto reysulwasaaraha Norway.
Erna Solberg ayaa maalmo kahor sheegtay in marnaba aysan ogolaan doonin in Sylvi ay noqoto reysulwasaare, arrintaas oo abuurtay buuq siyaasadeed maalmo uun kahor doorashada Norway.
Ugu danbeyn doorashada Norway oo ugu danbeyn loo dareeri doono maalinta isniinta ah ee sideeda bisha ayaa noqon doonto mid xiiso leh.