Jonas Gahr Støre (Ap) oo u muuqda inuu sii ahaanayo Ra’iisul Wasaare afar sano oo kale
Oslo – Saadaasha cusub ee NRK ayaa muujisay in wax walba u muuqdaan in Jonas Gahr Støre oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha (Ap) uu sii ahaan doono ra’iisul wasaaraha Norway afar sano oo kale.
Saadaashu waxay ku saleysan tahay tirinta codadka la helay, inta weli la sugayo, iyo sida kuraasta baarlamaanka loo qaybinayo.
Sida ay saadaasha tilmaamayso, dhinaca bidix (rødgrønn side) ayaa helaya 89 kursi oo baarlamaanka ah, halka dhinaca midig (borgerlige) ay ku ekaan doonaan 80 kursi.
Waxa kale oo la xaqiijiyey in Kristelig Folkeparti (KrF) iyo Rødt ay dhaafi doonaan xadka 4% ee looga baahan yahay baarlamaanka.
Guulo taariikhi ah
Xisbiyada Rødt iyo Miljøpartiet De Grønne (MDG) ayaa sameynaya guushii ugu fiicneyd ee doorasho, sida ay qortay NRK.