Oslo – Xisbiga Fremskrittspartiet (Frp) ayaa u muuqda inuu sameeyay guushii ugu weynayd tan iyo markii la aasaasay 52 sano ka hor. Saadaasha codbixinta waxay xisbiga siinaysaa 23,8% taageero, sida ay soo sheegayaan NRK iyo TV 2. Marka loo eego codadka ilaa hadda la tiriyey, taageeradu waxay gaaraysaa 24,3%.
Tani waxay ka dhigan tahay in Frp ay ku dhowaad laba jibbaari karaan taageeradii ay heleen doorashadii baarlamaanka ee 2021.
“Waa wax cajiib ah, laakiin weli waa codadkii hordhaca ahaa. Waa inaan sugnaa inta cod oo dhan la tirinayo. Hase yeeshee, sida natiijadda hordhaca ah ay sheegeyso, tani waa mid aad u farxad badan,” ayuu yiri ku-xigeenka guddoomiyaha Frp, Hans Andreas Limi, isagoo la hadlay NRK.
Rikoodhkii hore ee xisbiga ayaa ahaa sannadkii 2009, markaas oo Frp ay heleen 22,9% taageero xilligii Siv Jensen ay hoggaaminaysay. Markaas ayay ahaayeen xisbiga ugu weyn dhinaca midig.
Sidoo kale, 2025 waa doorashadii ugu horreysay ee Sylvi Listhaug ay gasho iyada oo ah hoggaamiyaha Frp – si lamid ah sidii Siv Jensen ay ugu gashay markii ugu horreysay 2009.