Laga bilaabo kowdaii(1) bishan aan kujirno ee September, hey adda qoxootiga iyo arrimaha socdaalka ee UDI-da ayaa dhaqangalisay shuruudo cusub oo ay horey dowladu usoo rogtay, kuwaas oo khuseeya dadka codsaday ama codsan doono sharciga degenaanshaha(permanent oppholdstillatelse) laga soo bilaabo kowda(1) bishan September.
Shuruuda cusub ayaa waxaa kamid ah in heerka aqoonta ku hadalka luuqadda Norwiijiga ee qofka codsanayo degenaanshaha rasmiga ah ay gaarsiisantahay heerka 2.aad ee A2, halka ay markii hore ahaan jirtay A1.
Xeerka cusub ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in qofku uu ku baasay imtixaanka aqoonta bulshada Norway, kaas oo uu qofku ku qaadan karo luuqad uu fahmayo.
Shardiyadan cusub ayaa khuseeya dadka ay da’ doodu u dhaxeyso 18 ilaa 67 sano, ee codsiga xareynayo ama balanta booliska helay wixii ka dambeeyo kowda(1) bisha September.
Waxaa jiro xaaladdaha qaar qofka laga deyn karo shuruudan cusub, tusaale ahaan hadii ay jiraan sababo caafimaad ama qofeed oo loo qaateen ah oo ay boolisku iyo UDI-du garwaaqsadeen. Sidoo kale hadii uu qofku ku baasay imtixaanka luuqadda Norwiijiga ee dugsiyada hoose iyo dhexe, sarre, ama uu shahaado jaamacadeed ku qaatay Norway.
Shuruuddahana oo faah-faahsan kasii akhri: Halkan kasii akhri.