Hey adda ilaalinta tayada cuntada ee mattilsynet ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in waxyaabo caafimaad ahaan halis ah laga helay bariiska basmatiga ah ee Al Shalan Sella, ayna soo dajiso shirkada Nordic Engros AS. Hey adda ayaa dhamaan dadweynaha iibsaday noocan bariiska ah ugu baaqeyso inaysan cunin, ayna ku celiyaan dukaankii ay kasoo gateen.
Nooca bariiska ah ee hey addu ay ka digeyso cunitaankiisa ayaa waxaa ku taariikheysan taariikh dhicitaan oo kala 08/2026 iyo 06/2027.
Mattilsynet ayaa sheegtay in noocan bariiska ah laga helay maadooyinka MOSH iyo MOAH, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara caafimaadka qofka, gaar ahaan hido-sidayaasha( DNA), sababi karana nooc kansar ah.