Sida ay xaqiijiyeen booliska, 4 gabdhood oo saaxiibo ah ayaa ku geeriyooday dab ka dhacay guri kuyaal magaaladda Hamar, subixii hore ee isniinta maanta aheyd.
Booliiska ayaa xaqiijiyey in saddex gabdhood oo da’doodu u dhaxeysay 18 iyo 19 sano lagu helay meyd ahaan aroortii hore ee Isniinta. Saacado ka dibna gabadh afraad ayaa lagu soo saaray guriga, iyadoo iyadana la xaqiijiyey inay dhimatay.
“Afarta gabdhood waxay ahaayeen saaxiibbo, waxayna isugu tageen guriga midkood si ay isugu yimaadaan waqti ugu wada qaataan,” ayay tiri Liv Hilde Nytrøen oo ah taliye booliis. Ehelkooda ayaa la ogeysiiyey.
Ciidanka dab-demiska ayaa wali ku howlan daminta dabka, hawshana waxay socon doontaa inta lagu guda jiro maalinta.
“Waa hawl adag, dabkuna waa weyn yahay,” ayuu yiri Haagen Løvseth oo ka tirsan booliiska, sida ay qortay NRK.
Duqa magaalada Hamar, Vigdis Stensby, ayaa sheegtay in dhacdadani ay saamayn ku yeelatay bulshada oo dhan.
“Dareenku wuxuu ugu horreyn la jiraa qoysaska ay dhibaatadu saameysay. Waa war murugo leh oo inoo wada taabanaya,” ayay tiri iyadoo la hadashay wakaaladda NTB NTB.
Sababta kicisay dabkan weli ma cada, laakiin booliska ayaa sheegay ineysan jirin wax tuhun fal danbiyeed ah ilaa hada baaritaanadda hordhaca ah.