Hey adda caafimaadka dadweynaha ee FHI, ayaa ka walaacsan in dumar badan oo loo soo diray balanta baaritaanka HPV-testen, inaysan kasoo jawaabin balanta baaritaanka caafimaadka ee loo diray. Arrintaas oo ay hey addu sheegtay in ay sababi karto inuu yaraado kahortaga kansarka ilmo-galeenka(Makaanka) ee uu sababo virus-ka HPV.
Baaritaanka HPV-testen ayaa ah mid lagu ogaanayo inuu isbadal ku yimid unugyada ilmo-galeenka haweenka, kaas oo sidoo kale lagu ogaan karo jiritaanka feyruska HPV oo ah sababta ugu weyn keenta kansarka ku dhaca ilmo-galeenka. Hadii xili hore la ogaado feyruska HPV waxaa kahortaga fiican oo daaweyn leh lagu sameyn karaa yareynta fursadda kansarka ilmo-galeenka.
Dhamaan dumarka kunool Norway ayaa loo soo bandhigaa fursadda baaritaanka HPV-testen. Laakiin ilaa hada 380.000 oo dumar ah oo loo diray balanta maritaanka baaritaankan, ayaan kasoo jawaabin balanta loo diray. Iyada oo 180.000 oo haweenkaas kamid ah aysan baaritaan marin 10-kii sano ee ugu danbeeyay.
Arrintan ayay hey adda caafimaadka dadweynuhu sheegtay inay leedahay walaac xoogan, ayna sababi karo in dumar badan oo xili hore sii ogaan karay hadii uu jiro isbadal ku yimid unugyada ilmo-galeenka, ay lumiyaan fursadaas. Ayna dhici karto in xili danbe oo xaaladu ay sii adkaatay la ogaado virus-kaas iyo waliba hadii uu sababay kansarka ilmo-galeenka(Livmorhalskreft).
80 dumar ah ayaa sanad walba u dhinta kansarka ilmo-galeenka:
Feyruska HPV ayaa ah sababta ugu badan ee keenta kansarka ilmo -galeenka haweenka kunool Norway. Inta badan haweenka ay da\ doodu ka hooseyso 28 ayaa qaatay talaalka kahortaga feyruska, laakiin kuwa ay da¨doodu u dhaxeyso 29 ilaa 69 ayaa inbadan oo kamid ah aysan qaadan talaalkaas.
Norway sanad walba waxaa la ogaadaa qiyaastii 300 qof oo dumar ah oo uu ku dhacay kansarka ilmo-galeenka. 60% dumarkan ayaa ah kuwa aan marin baaritaanka HPV-testen.
Qiyaastii 80 qof oo dumar ah ayaa sanadkii u dhinta sabab la xiriirta kansarka ilmo-galeenka.
Hey adda caafimaadka dadweynaha ayaa dhamaan dumarka loo soo diray balanta HPV-testen aad ugula talineyso inay maraan.
Xigasho/kilde: 390 000 kvinner har fortsatt ikke tatt HPV-test – Livmorhalsprogrammet er bekymret