Oslo – Xisbiga Høyre (H) ayaa natiijadii ugu xumeyd mudo 20 sano ah ka gaaray doorashadii baarlamaanka ee shaley qabsoontay, isaga oo helay oo keliya 14,6% codadka.
Hoggaamiyaha xisbiga, Erna Solberg, ayaa sheegtay in ay suuragal tahay in aysan noqon doonin musharraxa ra’iisul wasaaraha ee Høyre doorashada soo socota ee 2029. Arrintaas oo dad badan ay u fasirteen in Erna ay isku diyaarineyso inay baneyso kursiga gudoomiyaha xisbiga Høyre.
Waxaa isla xaleyba bilowday hadalheynta dhowr qof oo noqon karo gudoomiyaha cusub ee xisbigaas, hadii ay Erna Solberg baneyso kursiga gudoomiyaha.
Ku-xigeenka koowaad ee xisbiga, Henrik Asheim, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu qabto hoggaanka haddii Solberg ay xilka ka degto. Wuxuu arrintan u xaqiijiyey NRK.
“Nasiib wanaag, waxaan leenahay hoggaamiyeyaal badan oo awood u leh inay xisbiga hoggaamiyaan marka la gaaro waqtiga beddelka. Anigana waan sheegay inaan diyaar u ahay in la tixgeliyo,” ayuu yiri Asheim.