Engineer soomaali ah oo ku dhintay shil ka dhacay warshad lagu sifeeyo shidaalka.

Sida ay xaqiijiyeen booliska galbeedka waxaa shil shaqo oo ka dhacay warshada sifeynta shidaalka ee Mongstad ku geeriyooday Yahye Nuur Hussein oo ah engineer soomaali-Swedish ah. Falka ayaa dhacay 5 arbacadii lasoo dhaafay.

Shilka uu ku geeriyooday Yaxye ayaa sida ay sheegeen boolisku waxaa sababay qalabka lagu qaado ee warshada. Iyada oo hada hey addaha dowladu iyo booliskaba ay sheegeen inay wadaan baaritaanka dhacdadan.

Yahye oo ahaa Engineer mekaanikada ah ayaa sida ayaa sida la xaqiijiyay waxa ay uu shaqeynayay shirkada wiishaska qalabka culus ee dhismaha iyo warshadaha ee Crane Norway, waxaana laga dalbaday dalka Sweden. Waxaana ay aheyd markii ugu horeysay ee marxuumku shaqo u tago warshada shidaalka Mongstad, inkasta oo marar kala duwan uu shaqo ahaan u tagay meel kala duwan oo Norway, sida ay xaqiijisay shirkada Equinor.

Goobta uu shilka dhacay ee warshada sifeynta ayaa waxaa iska leh shirkada shidaalka Norway ee Equinor oo ah shirkada shidaal ee ugu weyn Norway. Maamulaha guud ee shirkada Equinor, Anders Opedal, ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay dhacdadaas sababtay geerida, isaga oo sheegay inuu tacsi diiran u dirayo qoyska, saaxiibadda iyo dadkii uu la shaqeynayay marxuumka geeriyooday. Isaga oo raaciyay inay si dhow uga warqabi doonaan dadka ay arrintan saameysay.

Xigasho/kilde: Yahye Nuur Hussein (25) omkom i arbeidsulykken på Mongstad

Latest news
Related news