Dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Oslo iyo Norway, waxaa lagu casuumayaa, laguna wargalinayaa kulanka wacyigalinta caafimaad ee ku saabsan xanuunka macaanka ama sonkorowga/diabetes.
Kulankan ayaa looga hadli karaa sababaha keena xanuunka macaanka oo aad ugu badan bulshooyinka soo galootiga ah, calaamadihiisa, daaweyntiisa, kahortagiisa iyo waliba yareynta halista caafimaad ee ka dhalan karta sonkorowga..Sidoo kale talooyinka caafimaad ee la xiriira hab nololeedka qofka iyo cuntooyinka.
Macluumaadka kulanka:
Taariikhda: Sabti, 20-september-2025,
Waqtiga: 15:00-19:00
Goobta: Hoolka shirarka Rødekors:
Adresse: Hausmanns gate 5.
Waxaa jiri doonto cunto loogu-talagalay dadka kasoo qeybgalayo: Fadlan hadii aad imaaneyso, halkan iska diiwaangali: https://www.nslegeforening.org/pmelding