Qarax ayaa caawa fiidkii ka dhacay xaafadda Bislet ee magaaldda Oslo. Booliska oo daqiiqado kadib goobta soo gaaray, ayaa sidoo kale helay miino gacmeed aan weli qarxin, taas oo ay boolisku iyagu qarxiyeen, si aysan waxyeelo kale u geysan.
Booliska ayaa sheegay inay tuhunsanyihiin in falkan uu ahaa mid u dhaxeeyo kooxaha danbiileysa ah ee ka howgala Oslo, ayna boolisku hada wadaan baaritaan arrintaas ku saabsan, iyaga fahan ka heysto dhacdadan. Waxeyna dadweynaha ka codsadeen inaysan wax cabsi ah dareemin, ayna wixii xog ah oo ay dhacdadan ka ogyihiin ay booliska la wadaagaan.
Sidoo kale waxaa isla caawaba dhacdadan loo qabtay wiil 13 sano jir ah oo lala xiriirinayo inuu lug ku lahaa dhacdadan.
Sida boolisku xaqiijiyeen, ilaa hada ma jirto cid waxyeelo ay kasoo gaartay qaraxan.