Wargalin muhiim ah oo ku socoto soomaalida Norway, gaar ahaan Oslo iyo nawaaxigeeda: Shirweyne muhiim ah:
Dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee Norway, Waxaa lagu wargelinayaa shirweyne muhiim ah oo ay ka soo qaybgalayaan wasiirro, madax, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka iman doona dalalka Soomaaliya, Bariga Afrika iyo Norway.
Shirkan waxaa looga hadli doonaa doorka muhiimka ah iyo taariikhda weyn ee haweenka Soomaaliyeed ay ka qaateen dib u dhiska dalka Soomaaliya, guud ahaan dalalka Geeska Afrika, iyo bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha.
Haddii aad xiisaynayso ka qaybgalka, fadlan iska diiwaangeli halkan: https://lu.ma/l06shz3k
Shirkan oo ah kii ugu weynaa ee noociisa ah ee ka dhaca meel ka baxsan Soomaaliya, waxaa ka soo qaybgalaya:
Wasiiradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Insaanka ee DFS, Xildhibaan Khadiija Mohamed Al Makhzoumi, Wasiirka Horumarinta iyo Deeqaha Norway, Åsmund Aukrust, Xildhibaan Marian Abdi Hussein, Duqa Magaalada Oslo, Anne Lindboe, Madax iyo mas’uuliyiin kale oo muhiim ah (fiiri sawirka kore).
Macluumaadka Kulanka
Cinwaanka / Mawduuca: Haweenka Soomaaliyeed – Tiirarka Dib u Dhiska Qaranka: Dhaxalka, Hoggaaminta iyo Mustaqbalka
Goobta: Eldorado Hub,Torggata 9b, Oslo Oslo (u dhow Jernbanetorget)
Taariikhda: Sabti, 23 August 2025
Saacadda: 16:00 – 21:00
Faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
NOREAF-Norwegian East African Strategic Partners : Tlf: 948 41 977