Waa kuma eedaysanaha dilay shaqalaha barnevern-ka?

Booliiska ayaa shaaciyay faahfaahin cusub oo ku saabsan kiiska dilka shaqaalaha hay’adda barnevernka ee lagu dilay xarun ku taalla xaafadda Kampen ee magaalada Oslo. Wiil 18 jir ah oo magaciisa lagu sheegay Djordje Wilms, ayaa loogu eedeenayaa dil iyo fal argagixisanimo ah. Booliisku ayaa sheegay sababta dhalisay dilkaan in ay ay tahay naceyb ka dhanka dadyoowga laga tirada badan yahay iyo aragti siyaasadeed oo xagjir ah.

Asalka iyo nolosha Djordje Wilms

Djordje Wilms waa will dhalinyaro 18 jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda Serbia, balse heesta dhalashada wadanka Jarmal. Wuxuu ku soo barbaaray gudaha Norway isagoo ku soo koray fosterhjem (qoys daryeel barnevern ah), wuxuuna muddo sanado ah ku noolaa magaalo yar oo ka tirsan gobolka Østlandet.

Sidoo kale, Wilms wuxuu ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan kooxaha barta shiishka, isagoo hore uga tirsanaa koox ugaarsato ah oo isticmaala hubka ugaarta. Waxaa la sheegay in Wilms aad oo ugu fiicnaa shiishka.

Fikradaha xagjirka ah iyo xogta ay booliska ka haayeen.

Wilms wuxuu muddooyinkii u dambeeyay si cad u muujinaayay aragtiyo xagjir ah, ku waasoo ka dhan ah Muslimiinta iyo dadka soo galootiga. Sida ay booliiska iyo hay’adda sirdoonka (PST) xaqiijiyeen, Wilms wuxuu:

Waxuu farrimo naceyb ah ku daabacay baraha bulshada iyo saaxada Telegram-ka. Farrimaha oo qoray waxaa ka mid ah “waan arkaa waxaay soogalootiga sababayaan”, “Fuck xukuumadda maanta Norway. Waxay kaliya ka burburinayaan dalka. Kaliya sababta dimuqraadiyadda foosha xun ee burburinaysa mustaqbalka Wadamada-Nordic-ka.”

Intii lagu guda jiray dhageysigii ugu horreeyay ee eedeysanaha, wuxuu muujiyay inuu damacsanaa weerarro ka dhan ah masaajid iyo dadka Muslimiinta. Hadalkaasi wuxuu dhaliyay cabsi iyo falcelin deg deg ah oo horseeday in baaritaannada la sii balaariyo.

Qareenka booliska, Philip Green oo warbaahinta shir jaraa’id oo kula hadlayay 25-ka Agoosto, ayaa sheegay in boolisku ay go’aansadeen in ay ballaarinayaan eedeymaha lagu soo oogay eedeysanaha. Maadaama ay rumeysan yihiin in si ulakac ah u rabyay in uu cabsi iyo khalkhal ku abuuro qeyb ka mid ah bulshada.

– Wuxuu muujiyay nacayb iyo aragtiyo lid ku ah dadka Muslimiinta ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaan dooneynaa inaan carrabka ku adkeyno in xogaha la hayo ay muujinayaan in uusan lahayn awood ku filan oo uu ku fulin karo weerarro kale, ayuu yiri qareenka booliska Philip Green.

Xigasho:

Dagbladet, 25 Agoosto 2025 – “Djordje Wilms (18) siktet for drap og terror


Latest news
Related news