Habeenkii Axadda 24-kii August 2025, waxaa lagu dilay haweeney 34 jir ah oo shaqaale ka ahayd xarun barnevern oo ku taalla xaafadda Kampen ee magaalada Oslo. Booliska ayaa xabsiga dhigay wiil 18 jir ah oo deganaa isla xaruntaas.
Booliska Oslo ayaa sheegay in warka dilka ay heleen abaara 01:13 habeenimo, halka eedeysanaha la qabtay qiyaastii 03:50 gudaha Oslo. Wiilka ayaa si rasmi ah loogu eedeeyay dil bareer ah. Waxaa intaas dheer in kiiska loo tixgelinayo heer argagixiso, kadib markii la helay qoraallo iyo fikrado nacayb ah oo uu muujiyay intii lagu guda jiray baaritaanka.
Grete Lien Metlid, agaasimaha qaybta dambiyada culus ee booliska Oslo, ayaa xaqiijisay in baaritaannadu socdaan, isla markaana markhaatiyaal la wareysanayo.
Dhacdadan ayaa naxdin ku abuurtay bulshada iyo shaqaalaha barnevern-ka, iyadoo ururka shaqaalaha FO uu ku baaqay in la adkeeyo amniga iyo ilaalinta shaqaalaha ka howlgala xarumaha noocan oo kale ah, gaar ahaan habeenkii.
Xigasho:
ABC Nyheter – “Kvinnelig barnevernsansatt i 30-årene brutalt drept i Oslo