lørdag, mars 7, 2026

Oslo: Wasiiradda qoyska iyo xuquuqul insaanka DFS oo Norway safar shaqo ku imaan doonto.

Wasiiradda arrimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, Khadija Mohamed al Makhzoumi iyo wafdi balaaran oo ka socdo dowlada federaalka ee Soomaaliya, ayaa lagu wadaa inay isbuucan safar shaqo ku soo gaaraan dalka Norway.

Wasiiradda ayaa inta ay joogto Norway waxa ay la kulmi doontaa wasiiro iyo madax kala duwan oo katirsan dowlada Norway, waxa ay booqasho ku tagi doontaa qaar kala duwan oo hey addo Norway ah.

Wasiiradda ayaa sidoo kale maalinta sabtida ah ka qeybgaleyso shirweyne caalami ah oo ka dhici magaaladda Oslo, kaas oo looga hadlayo doorka haweenka Soomaaliyeed ee qaran-dhiska, oo uu kala qeybgalayo wasiirka horumarinta Norway, Åsmund Aukrust, duqda magaaladda Oslo, Anne Lindboe, Xildhibaan Marian Abdi Hussein, Ambassador Khadija Osoble, wasiiradda Caasho Geele, Senator Naima Hassan Garweyne oo katirsan aqalka Sarre ee Soomaaliya, iyo Senator Falhada Iman Dekow oo horey uga tirsaneyd baarlamaanka Kenya, hadana ah xubin katirsan baarlamaanka East-Africa.

Kulanka ayaa maalinta sabtida ah ka dhici doono, Hoolka Eldorado Hub AS, Torggata 9 B, ee bartamaha magaaladda Oslo. Waxaana uu furmayaa saacadda, 16:00 oo gow ah.

Macluumaadka shirka, ka fiiri sawirka, hoose.

Fadlan hadii aad xiiseyneyso inaad timaado, halkan iska diiwaangali, si loo ogaado tirada dadka imaanayo. https://lu.ma/l06shz3k

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x