fredag, april 17, 2026

Norway: 700.000 qof ayaa shaqo la aan ah.

Warbixin cusub oo ka timid xafiiska shaqada ee NAV ayaa muujineysa in ku dhowaad 700,000 qof oo da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 66 sano aysan ku jirin shaqo iyo waxbarasho. Taas micnaheedu waa in hal qof oo shan ka mid ah da’da shaqada lagu jiro uu bannaanka ka joogo suuqa shaqada.

Tirada dadka ka maqan suuqa shaqada ayaa sannad kasta sii kordhaysa, taasoo keentay walaac badan.

“Dadk waa dad awood iyo rabitaan u leh in ay ka qaybqaataan suuqa shaqada,” ayuu yiri agaasimaha NAV, Hans Christian Holte, oo ka hadlay shir saxaafadeed.

Wuxuu ku baaqay in bulshada oo dhan ay qaadato masuuliyad wadareed ah sidii arrintan xal loogu heli lahaa.
“Waa in aan hoos u dhignaa shuruudaha shaqo bixinta si dad badan loo siiyo fursad,” ayuu raaciyey Holte.

Warbixinta NAV ayaa laga soo ururiyey xogtii suuqa shaqada ee sanadkii 2024, waxaana qeyb ka ah dadka kasoo barakacay Ukraine oo aan weli helin shaqo.

NAV waxa kale oo ay muujisay walaac ku saabsan kororka tirada dadka shaqada uga maqan xanuun awgiis iyo dadka muddada dheer shaqo la’aanta ah. Qaar badan ayaa sugaya go’aan ku saabsan xaaladdooda caafimaad, halka in badan oo kale loo qoro naafonimo (uføretrygd). Sannadkii hore, ku dhowaad 300,000 qof ayaa helay taageerada naafadda shaqo, taasoo ka dhigan in aysan awoodin inay si buuxda ama qayb ahaan ay u shaqeeyaan.

“Dadka shaqada uga taga xanuun, in oo kamid oo kamid ah waligood kuma soo laabtaan suuqa shaqada.” ayuu sheegay Holte.

Sidoo kale, qiyaastii hal qof oo kamid ah sadexii qof ee ka maqan suuqa shaqada ,ayaan helin wax taageero dhaqaale ah oo dowladeed.

Wasiirka Shaqada, Tonje Brenna, ayaa sheegtay in xaaladdan shaqo la’aanta iyo ka maqnaanshaha waxbarashada ay tahay mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla dowlada Norway, sida ay qortay NTB.

Xigasho/kilde: 700 000 står utenfor arbeidslivet i Norge

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x