Dalkaan Norway ayaa doorasho ka dhici doonta bisha Sebtembar 2025, taasoo muhiim u ah dhammaan dadka ku nool dalkaan. Doorashadan oo dhacda afartii sano mar, ayaa lagu dooranayaa xubnaha baarlamaanka. Xisbiyada helaa aqlabiyada baarlamaanka ayaa dhisi doona xukuumadda dalka.
Sida saadaasha ugu badan ay sheegayaan, sanadkan waxaa jiri doona tartan adag oo u dhexeeya xisbiyada AP iyo FRP, iyadoo FRP ay sii kordhinayso taageerada ay ka helayso codbixiyayaasha soogalootiga.
xog uruurin qaran oo la sameeyay bishii Maajo 2025 ayaa muujinaysa in Xisbiga Fremskrittspartiet (FrP) uu noqday xisbiga labaad ee ugu taageerada badan dadka soogalootiga ah, isagoo helay 15,2% codadka. Xisbiga Shaqaalaha (Ap) ayaa weli ah kan ugu sareeya, isagoo helay 24,5% codadka.
Maxaa laga fahmi karaa xog uruurintaan?
Ap ayaa weli ah xisbigii hela taageerada ugu badan ee bulshada soogalootiga ah. Laakiin Frp ayaa si degdeg ah u koraya, gaar ahaan dhalinyarada iyo dadka ka shaqeeya warshadaha iyo gaadiidka, kuwaasoo inta badan degan magaalooyinka waaweyn.
Xogtu waxay sidoo kale muujisay in 16,5% soogalootiga aysan ka qeyb qaadan doonin doorashada, halka tiradaasi ay tahay 5,2% dadka Norwiijiga ah. Sidoo kale, 5,8% soogalootiga ayaa weli go’aan ka gaarin xisbigii ay codkooda siin lahaayeen.
Maxay tahay sababta Frp taageero uga helayso soogalootiga?
Guddoomiyaha xisbiga Frp, Sylvi Listhaug, ayaa sheegtay in dad badan oo soogalooti ah ay dareemayaan culaysyo la xiriira:
- Canshuuraha badan
- Lacagta waddooyinka (bompenger)
- Ammaan xumo
- Aaminaad ah in Frp ay heysto xal dhaqaale iyo mid amni
Doorashadu waa fursad muhiim ah – gaar ahaan soogalootiga
Doorashadan waa fursad muhiim u ah dadka laga tirada badan yahay, si ay codkooda ugu muujiyaan aragtidooda, una saameeyaan go’aamada siyaasadeed. Xisbiyada waxay saameyn ku leeyihiin nolol maalmeedka bulshada:
- Ap waxay xoogga saareysaa is-dhexgalka bulshada iyo adeegyada dadweynaha
- Frp waxay rabtaa in ay xakameyso socdaalka, yareyso canshuuraha, adkeyso arrimaha qaxootiga, iyo siyaasadda socdaalka.
Xogtaan ayaa aruurisay shirkadda InFact for LIM (Likestilling, integrering og mangfold), waxaana lagu daabacay warbaahinta Aftenposten iyo Dagsavisen/Finansavisen.