fredag, juli 18, 2025

Xawaaladle soomaali ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Maxkamadda degmadda Romerike ee dalkan Norway ayaa xukun adag oo 15 sano oo xabsi ah ku ridday nin 51 jir ah oo asal soomaali ah, kadib markii lagu helay dambiyo kala duwan oo la xiriira lacag dhaqis loo sameeyay kooxo dambiileyaal ah.

Ninkan oo ahaa xawaaladle ayay maxkamaddu sheegtay in lagu helay dhaqis lacag gaareyso 79,9 milyan kr, waxaana sidoo kale maxkamaddu ku heshay dambiyo kale oo la xiriira heleri (ka faa’iidaysi hanti la xaday), khiyaano dhaqaale , adeeg lacag gudbin sharci darro ah, iyo ku xadgudubka xeerka xisaabaadka.

Kiiskan ayaa kamid ahaa kiisaskii ugu cuslaa, uguna mudadda dheeraa ee noociisa oo kale ee maxkamaddaha Norway la keeno- waxaana dhageysiga dacwadda maxkamadda u dhaxeyso xeer ilaalinta iyo qareenadda ninkan ay socotay mudo 115 maalmood, sida uu sheegay warbaahinta TV 2.

Hawala si sharci darro ah loo adeegsaday
Sida lagu sheegay xukunka, ninkan 51 sano jirkan soomaaliga ah ayaa ka shaqeynayay xawaalad, waxayna xeer ilaalintu sheegeen in isaga oo adeegsanayo nidaamka kalsoonidadda ku dhisan ee xawaaladdaha uu lacago kala duwan wadanka uga bixiyay kooxo dambiileyaal ah.

Ninkan ayaa markii hore lagu eedeeyay inuu gudbiyay lacag gaareyso 1,1 bilyan oo kr oo lacagta Norway ah, balse waxa ay xeer ilaalintu maxkamadda horteeda cadeyn u heleen 79,9 milyan kr oo kali ah.

Ninkan 51-jirka ah ayaa sanadkii 2021 waxaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha Oslo xilli uu u socday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wuxuu soo maray kastamka isagoo sheegay inuu wato lacag caddaan ah oo ku dhow lix milyan oo karoon, balse saraakiisha kastamku waxay uga shakiyeen inuu siddo lacag ka badan. Baaritaan lagu sameeyay boorsadiisa ayaa lagu helay 13.4 milyan oo karoon oo caddaan ah, 6000 doolar Mareykan ah, iyo heshiis iibsasho saacad Rolex ah oo qiimaheedu ahaa ku dhowaad laba milyan oo karoon.

Difaaca: Maxkamadda ma rumeysanin dhammaan caddeymaha
Qareenka eedeysanaha, Bernt Heiberg, oo ka tirsan Elden Advokatfirma, ayaa sheegay in xukunka uu muujinayo in maxkamaddu aysan si buuxda u rumeysanin eedeymaha dowladda. Wuxuu xusay in eedeymaha hore ee 1.1 bilyan karoon ah ay hoos ugu dhaceen lacag dhan 76 milyan oo maxkamaddu keliya oggolaatay.

“Waxaan sidoo kale u aragnaa in xukunka uu yahay mid aad u culus, waxaana ka fiirsaneynaa in aan racfaan ka qaadno,” ayuu yiri.

Elden: Xawaaladu ma aha dambi
Qareenka caanka ah John Christian Elden, ayaa sheegay in xukunka maxkammadu uu caddeeyay in isticmaalka xawaaladaha qaabka sharciga ah u diiwaangashan aysan aheyn m id sharci daro ah. Wuxuu sidoo kale muujiyay in maxkamaddu ay kiiska ka reebtay eedeymo badan oo la xiriiray khiyaano dhaqaale, taasoo tilmaamaysa in caddeymaha xeer-ilaalintu ay ahaayeen kuwo daciif ah.

Xeer ilaalinta ayaa inkasta qodobadii ay ninkan kusoo eedeeyeen qeybo badan maxkamaddu ay ka reebtay kiiskan, ayaa hadana xukunka 15-ka ah ku tilmaamay mid guul ah oo fariin adag dirayo.

Xigasho/kilde: Dømt etter maraton-rettssak – får 15 år i fengsel

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x