søndag, januar 25, 2026

Tirada kiisaska baaritaanadda ee hey adda barnevern-ka oo korortay.

OSLO – Hay’adda Tirakoobka Qaranka ee Norway (SSB) ayaa sheegtay in sannadkii 2024 ay si guud u kordheen tiradda digniinaha(beskymringmelding) iyo baaritaanada(undersøkelse) ay hey adda barnevern-ku ay furtay. Waxaana isla tirakoobkan lagu sheegay in tirada carruurta iyo dhalinyarada si toos ah uga faa’iidaystay adeegyada barnevern-ka ay hoos u dhacday.

Sannadka 2024, barnevern-ku wuxuu helay 53,300 oo digniinood oo la xiriira 45,800 carruur ah kuwaas oo aan horey u helin baaritaan ama gargaar. Tani waxay ka dhigantahay koror ku dhowaad 2% ah, marka loo eego sannadkii ka horeeyey, 2023.

SSB waxay in arrintan ay saameyn ku leedahay tirada dadka soo galootiga ah oo kordhay, gaar ahaan ilmaha jira da’da 0 ilaa 24 sano – ee ah kuwa barnevern awood sharciyeed ahaan ay soo faro-galin karto.

Dhanka kale, 42,400 carruur iyo dhalinyaro ah ayaa helay taageero ama adeegyo barnevern-ka sannadka 2024, taasoo ah hoos u dhac ku dhow 4% marka loo barbar dhigo tirada sannadkii hore.

Waxaa la filayaa in isbeddelkan uu sii socdo iyadoo barnevern-ku wajahayo tirada sii kordhaysa ee digniinaha, isla markaana ay sii yaraaneyso tiradda caruurta ka faaiideysta adeegyada tooska ah ee uu siiyo carruurta.

Xigasho/kilde: Svak økning i meldinger til barnevernet i 2024 – innvandring påvirker

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x